XOG: Al Shabaab oo qorshaynaya inay ku biiraan urur cusub (Al Qaacidda oo ay ka baxayaan)

0

(Muqdisho) 24 Jan 2023 – Sida ku xusan xogo cusub oo soo baxaya, kooxda Al Shabaab ayaa haatan bilowday inay jeexdo wadiiqooyin cusub oo ay uga diga raganayaan ururkii iyo awal ka tirsanaayeen, iyagoo haatan diiradda saaraya inay isbedello sameeyaan.

Xogahan ayaa tibaaxaya in kooxda Al Shabaab oo haatan ay aad u kubbaaraynayaan Ciidamada DF Somalia ay doonayaan in ay soo afjaraan xiriirka ay la leeyihiin ururka Al-Qaacida, ayna bilaabaan inay ku biiraan kooxda Daacish.

Kooxda AS, oo hadda wajahaysa cadaadis iyo guuldarrooyin joogto ah oo kaga imaanaya Ciidamada SNA iyo maliishiyaadka Macawisleey oo degaanno badan ka qabsaday, ayaa dareensan in Al-Qaacida aysan siinin taageero ku filan islamarkaana ay ku biirista Daacish ay caawin doonto inay wax uun ka helaan.

Kooxda Daacish ayaa lagu yaqaannaa inay kasii arxan daran yihiin ururka Al Shabaab iyagoo wejigooda rasmiga ah horay ugu soo bandhigay dalalkii ay mar meelo ka qabsadeen sida Ciraaq, Suuriya, Libya IWM.

Hadalsame Media