Tifaftiraha Hadalsame oo VOA uga warramay halka uu salka ku hayo khilaafka sii xumaanaya ee Turkey & Sweden (Dhegeyso)

0

(Stockholm) 24 Jan 2023 – Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa u sheegay Sweden inaanay filanin in dalkiisu uu taageero dalabkeeda ku aaddan inay xubin ka noqdaan isbahaysiga milateriga ee NATO, kadib mudaharaadadii toddobaadyadii la soo dhaafy ka dhacay magaalada Stockholm, taas oo ay dhigeen kooxo ka soo horjeeda Islaamka, isla markaana taageersan Kurdiyiinta.

Madaxweyne Erdogan ayaa si kulul u weeraray tallaabadii u siyaasiga reer Sweden ee Rasmus Paludan uu ku gubay kitaabka Quraanka ah Sabtidii, isaga oo sheegay inay tahay tallaabo meel ka dhac ku ah cid kasta, gaar ahaan Muslimiinta.

Turkiga ayaa si gaar ah uga cadhooday mas’uuliyiinta Sweden, in ay oggolaadeen in bannaanbaxaasi uu ka dhaco bannaanka safaaradda Turkiga ee Stockholm iyada oo ay “ilaalinayaan” ciidamada ammaanku, sida ay qortay wakaaladda wararka ee Associated Press.

Weriyaha VOA Ridwaan Xaaji Cabdi Weli ayaa arrintan wax ka waydiiyey Maxamed Xaaji, Tifaftiraha Hadalsame Media.

Hadalsame Media