Liiska kooxaha ugu hodonsan Horyaalka EPL oo lasoo saaray (Koox booskeeda ceshatey)

0

(London) 24 Jan 2023 – Waxaa lasoo saaray liiska kooxaha ugu taajirsan Horyaalka Ingiriiska iyadoo Manchester United ay ceshatey booskeeda kooxda ugu qiimaha badan Premier League, iyadoo lagu qiimeeyey £4.8bilyan oo gini [$5.95b], sida lagu sheegay daraasad dhowaan la sameeyey.

United ayaa muddo dheer ahayd kooxda ugu qiimaha badan kubbada cagta Ingariiska, waxayna sii waday joogtaynta heerkaas kaddib markii uu qiimahoodu kordhay 28 boqolkiiba muddo laba sano ah.

In kasta oo ay kor u kacayeen qiime ahaan intii waqti ahba, misna kooxda Erik ten Hag maaha kooxda uu saamigeedu ugu kororka badan yahay – jawaabta dhabta ahna waxa laga yaabaa in aad la ashqaraarto.

Sida uu sheegayo daraasad ay samaysay Sportico, qiimaynta Manchester United ayaa lagu sheegay £4.8bilyan iyadoo sidaa safka sare uga jirta liiska.

Kooxaha ay woqooyiga ku xafiiltamaan United ee Liverpool iyo Man City ayaa soo kala galay kaalimaha labaad iyo saddexaad iyaga oo lagu qiimeeyay £3.8bilyan [$4.71b] iyo £3.5bilyan oo gini [$4.43b], sida ay u kala horreeyaan.

Kooxaha Premier League ugu qaalisan

1. Manchester United £4.8bn

2. Liverpool £3.8bn

3. Man City £3.5bn

4. Arsenal £2.9bn

5. Chelsea £2.8bn

6. Tottenham £2.6bn

7. West Ham £539m

8. Everton £486m

9. Leicester £442m

10. Newcastle £357m

Hadalsame Media