Kaar cad oo lagu soo kordhiyey ciyaarta kubadda cagta & Waxa loogu tala galay (Daawo ciyaar loo isticmaalay)

0

(Hadalsame) 23 Jan 2023 – Taariikh cusub ayaa kubdda cagta laga sameeyey Sabtidii markii kaarka cad, hadde ma aha kaarka cas, si rasmi ah loogu dhaqangeliyey ciyaar ka dhacday Portugal.

Kaarka cad oo lagu aqoonsanayo ciyaar wanaagga markii ugu horaysay la soo bandhigay kulan ka tirsan Koobka dalkaasi ee haweenka ee loo yaqaan Taca de Portugal Feminina.

Kaararka casaanka iyo jaallaha ah ee lagu bixiyo khaladaadka digniin ahaan iyo garoon ka cayrin sida dalalka kale ayaa qayb muhii ah ka ahayd ciyaaraha dalkaasi tobanaan sano, laakiin Portugal ayaa haatan soo bandhigtay kaar cad oo qayb ka ah qorshayaal cusub oo dalkaa laga hirgeliyey.

Garsoore Catarina Campos ayaa bixiyey kaarka cad ee ugu horreeyey – si loo aqoonsado loona dhiirrigeliyo ciyaar wanaagga – intii lagu guda jirey ciyaartii haweenka ee kooxaha Sporting Lisbon iyo Benfica ee ku qabsoontay Lisbon Sabtidii waana markii ugu horreeysey ee kaarkan la adeegsado.

Kaarkan cad ayaa loo taagey koox caawinaysey qof ku jirey kursiga kaydka oo xanuunsaday, iyadoo deeto ay shaqaalaha caafimaadka labada kooxood ay si deg deg ah ugu wada gurmadeen.

Hadalsame Media