KULANKII KABAWAYNTA: Arag saf isku dhaf ah oo laga sameeyey Arsenal & Man United kahor kulankooda

0

(London) 22 Jan 2023 – Gelinka dambe ee Axaddan, waxaa foodda is daraya kooxaha Manchester United iyo Arsenal kulan muhim ah oo ka tirsan horyaalka Premier League, kaasoo saamayn wayn ku yeelan kara tartanka horyaalka oo ay sanadkan kusoo biireen labadan camaaliqo ee soo jireenka ah.

Kooxda Erik ten Hag ayaa u safri doonta Emirates iyaga oo rajaynaya inay dhaawacaan rajada hanashada horyaalka ee Gunners islamarkaana ay soo yareeyaan farqiga u dhexeeya hogaamiyayaasha horyaalka oo haatan ku haya  8 dhibcood.

Haddaba iyadoo ay dood badani ka taagan tahay kulankan iyo kartida labada kooxood, misna khubarada Sportsmail ayaa waxay diyaariyeen saf isku dhaf ah oo ay ku jiraan ciyaartooyda ugu doorka roon Arsenal iyo Man United, iyagoo qaatay go’aanno adag maadaama arrimahan had iyo goor aad loogu doodo.

Haddaba hoos ka eeg shaxda iyo tirada ay koox kasta ku leedahay.

Hadalsame Media