”Ilaa hadda waxba ma tarin” – Taageerayaasha Man United gasacadaha ka jejebiyey Cody Gakpo (Fursad ay uga aarsadaan oo ay heleen)

0

(Manchester) 22 Jan 2023 – Taageerayaasha Manchester United ayaa ku jees jeesay wiilka cusub ee Liverpool ee Cody Gakpo kaddib markii ay waqti ku qaadatay dhalinta goolkiisii ugu horreeyey ee Reds oo shalay 0-0 la gashay Chelsea.

Gakpo ayaa ahaa xiddiggii ay sida wayn u xiisaynayeen kooxda ka dhisan Old Trafford kaddib markii uu qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay Koobkii Adduunka, Erik ten Hag ayaana doonayay in uu ku xiro saaxiibkiis reer Holland.

Si kastaba ha ahaatee, xiddigga Liverpool ee Virgil van Dijk ayaa ku qanciyey xiddiggan heerka caalami ee dalka Netherlands inuu yimaado Anfield, iyadoo Reds ay ogolaatay inay £44 milyan oo ginni kulasoo wareegto weeraryahankii PSV Eindhoven .

Yeelkeede, 23-jirkan ayaa weli ku diinsan inuu xitaa hal gool u dhaliyo kooxdiisa cusub ee Merseyside. Waxaana arrintaa ka faa’iidaystey taageerayaasha United oo markii hore ka qaraarsanaa inuu uga dal doorsaday dhanka kooxda ay ku xafiiltamaan Woqooyi Galbeed England.

”Gakpo waa Timo Werner-kii Dutch-ka.” ayuu yiri taageere Manchester United ah.

Hadalsame Media