”Durba ma iloobey?” – Mudryk oo faafiyey muuqaal lagu xifaalaynayo kooxda Arsenal (Daawo)

0

(London) 22 Jan 2023 – Mykhailo Mudryk ayaa caddeeyey inuu si deg deg ah durba u iloobey kooxda Arsenal, kaddib markii uu bulshada la wadaagey muqaal ku saabsan hees ay jamaahiirta Chelsea ku xifaalaynayaan Gunners.

Todobaadkii tegey uun kahor waxay u muuqatay mid hubaal ah inuu laacibkani gashanayo maaliyadda Gunners si uu uga caawiyo riixitaanka hanashada horyaalka Premier League haddii ay lasoo wareegaan Mudryk.

Ha yeeshee, laacibka ayaa durba howlihiisa iska wata isagoo baraha bulshada soo dhigay muuqaal muujinaya inuu durba laacibku iska iloobey kooxda waqooyiga London.

Heestu waxay u dhacaysaa sidatan: “Wuxuu kasoo duulay Ukraine, isagoo saaran diyaaradda gaarka ah ee Boehly, Mudryk wuxuu igu yiri, ‘Arsenal waligeed maku guulaysatay Champions League?’

“Markaa waxaan ku iri maya, waad garanaysaa meesha aad tegi lahayd.”

“Markaa kaddib wuxuu igu yiri, waxaan rabaa inaan xirto lambarka saddexaad.”

Halkan ka DAAWO….

Hadalsame Media