XOG: NISA oo isku dayaysa inay qariso askarigii saaka wiilka ku diley Isgoyska Howlwadaag (Wararkii u dambeeyey)

0

(Muqdisho) 21 Jan 2023 – Maxamed Xeyle oo ahaa wiil dhallinyaro ah oo Bajaajle ah ayaa saakay hooyadiis iyo walaashiis lagu hor diley, waxaana arrintaa ka dhashay dibedbax ka dhacay Isgooska Howlwadaag oo ahayd halka lagu toogtey.

Ilaah ha u naxariistee Maxamed Cabdisalaan Cali (Xeyle) oo ay waalidkii oo iska duruufaysan ay si kacaa kuf ah kusoo koriyeen ilaa jaamacadna uga bixiyeen, ayaa waxaa si gardarro ah u diley askari ka tirsan Nabad Sugidda NISA oo bilihii dambe nidaamkeedu aad u liitey.

Wararka aannu ka helnay qaar ka mid ah ehelada wiilka ayaa sheegaya in NISA ay isku dayayso inay qaab isku tuur tuur ah ku qariso qofka dilka gaystey, iyagoo aan ilaa haatan aan soo qaban ama aan ballanqaadin inay soo qabanayaan askarigii dilka gaystey, taasoo sumcad darro ku ah hay’adda NISA oo beri dhowayd la sheegay in sharci loo sameeyey.

Wararka ayaa intaa ku daraya in xitaa Booliisku uu markii hore diidey inuu diyaariyo warqadda maydka marxuumka lagu dhigayo isbitaalka si qaboojiyaha loo geliyo, inkastoo markii dambe ee ay xaaladdu qir iyo qir gaartey ay ogolaadeen.

Ilaa hadda lama oga halka ay dhacdadan xanuunka badani ku dhamaan doonto, balse waxay dadka Muqdisho kuu sheegayaan inay la yaabban yihiin waxa askarta NISA jidka dhex taagey ama sababta askari NISA ka tirsani uu ula falgelayo gawaarida jidadka maraysa marka horeba, iyadoo ay arrintaasi muujinayso isbarbaryaac iyo nidaam xumo baahsan oo magaalada laga dareemayo.

Beryahan ayaa waxaa soo batay askar si sahlan iskaga tooganaya dadka shacabka ah, balse maalmihii lasoo dhaafay waxaa ugu yaraan lasoo qabanayey qofka dhibka gaystey oo la xukumayey, balse markan xaalku wuxuu galay iska daba wareeg aan loo baahnayn.

Hadalsame Media