Ronaldo oo dhibaato kala kulmay adeeg cusub oo uu aad ugu baahan yahay

0

(Liverpool) 21 Jan 2023 – Cristiano Ronaldo ayaa lagu soo warramayaa inuu dhib ku mutay inuu helo cunto kariye khaas u ah ‘gurigiisa joogtada ah’ ee Portugal sababo la xiriira dalabaadka uu samaynayo.

37-sano jirkan ayaa horraantii bishaan ku biiray kooxda Al Nassr ee dalka Sacuudiga, iyadoo ay u badan tahay inay noqon doono joowladii ugu dambaysey ee xirfaddiisa quruxda badan.

Ronaldo ayaa shaaca ka qaaday inuu ku guulaystay wax walba oo uu damacsanaa inuu ka  sameeyo Yurub intii uu joogey Sporting CP, Manchester United, Real Madrid iyo Juventus xilligii shirkiisa jaraa’id ee ugu horreeyey isagoo ah laacib Al Nassr ah.

Ronaldo ayaase waxa uu iibsaday dhul gaar ah bishii Sebtembar 2021-kii, iyada oo aqalkiisa halkaa looga dhisayo la dhamaystiri doono bisha Juun. Sida laga soo xigtey The Mail, Ronaldo ayaase doonaya inuu shaqaalaysiiyo cunto kariye khaas ah si uu wax uga kariyo gurigan oo ku fadhiya £17 milyan oo ginni.

Hadda waxa uu deggan yahay qol ku yaala Hoteelka Four Seasons ee ku yaalla bartamaha magaalada Riyaad isaga oo raadinaya degaan rasmi ah.

Waxaa la rumaysan yahay in cunto kariyaha bishii loo qoondeeyey mushaar dhan £4,500 oo gini. Ronaldo ayaa lagu yaqaan inuu yahay nin u fiirsada waxa uu cunayo intii uu ku jirey xirfadiisa ciyaareed, isaga oo had iyo jeer joogteeya nidaam ku dhisan dheefsi dheellitiran oo heerar sare ah.

Hadalsame Media