Arsenal oo rikoodhka u jebinaysa laacib ay aad u doonayso & Chelsea oo markale ku haysata

0

(London) 16 Jan 2022Kooxaha Chelsea iyo Arsenal ayaa u muuqda kuwo ilaa qullataynka qoorta iskugu jira waxaana weerar ah kooxda Blues.

Kooxda Arsenal oo gacmaha Chelsea ku waydey labada laacib ee Felix iyo Mudryk ayaa markan lagu haystaa laacib kale oo ay doonayso kaasoo ah Declan Rice oo hadda noqday bartilmaameedka suuqa kala iibsiga ee Arsenal xagaagan.

Macallinka kooxda ee Mikel Arteta rayaa weliba doonaya inuu jebiyo rikoodhka suuqa kala iibsiga ee kooxda si uu ula soo saxiixdo xiddigga heerka caalami ee dalka England.

Kabtanka West Ham Rice ayaa qarka u saaran inuu ka tago garoonka London Stadium xagaagan, iyadoo Hammers ay doonayso heshiis ku kacaya £100milyan oo ginni, inkastoo ay u muuqato mid rajo yar laga qabo kooxda bariga London ay laacibka ku hesho lacagtaas.

Tan ugu daranise, waa in Chelsea, oo dhowaan Gunners ku garaacday saxiixa weeraryahanka Shakhtar Donetsk ee Mykhailo Mudryk, ayaa loo malaynayaa inay ugu cadcaddahay saxiixa Rice xagaaga soo aaddn.

Taasoo ka dhigan in Gunners iyo Chelsea ay markale si fool ka fool ah ugu dagaallami doona suuqa xagaaga si ay middoodba u xaqiijiso saxiixa Rice.

Rikoodhka suuqa kala iibsiga ee Arsenal ayaa taagan £72 milyan oo ginni, waana lacagtii laga bixiyey Nicolas Pepe oo kaga soo biiray Lille 2019-kii.

Hadalsame Media