Shakira oo soo qaadday hees ay ku durayso duqeedii hore ee Pique & Isaga oo sameeyey wixii ay ku xifaalaysay (Daawo)

0

(Hadalsame) 14 Jan 2022 – Gerard Pique ayaa heesta diss ee Shakira soo qaatay isaga oo ku kaftamaya kaddib markii uu daaha ka qaaday in kooxdiisa 7-laacib ku safata ay heshiis iidheh ah la gashay saacadda Casio oo ay ku xifaalaysay.

Fanaanadda Shakira iyo daaficii hore ee Barcelona iyo Spain Pique ayaa ku dhawaaqay inay kala tageen kaddib 11 sano bishii Juun, waxayna wadaagaan laba wiil – Milan iyo Sasha.

Fannaanadan 45-jirka ah ayaa horay u xifaalaysay odaygeedii hore iyo saaxiibtiis cusub,  Clara Chia Marti, oo ay ku maagtay miraha heesteedii ugu dambaysey.

Heesaaga Shakira oo sidoo kale heesaha allifta, ayaa si cad u sheegtay inay ka hadlayso 23-jir lammaanaheedii hore inuu yahay lagu xaman jirey oo ay haatan shukaansi ku bilowday sannadkii hore kahor intaysan kala harin, iyadoo leh:

”Waxaan u qalmaa laba 22-jir. Ferrari ayaad ku bedelatey Twingo. Rolex ayaad ku bedelatey Casio.”

“Kuuma soo laaban doono, xitaa haddii aad ooydo ama aad i barido… Waxaan ka baxay heerkaaga, waana sababta aad ula joogto qof kula mid ah.” ayaa ka mid ah miraha heesta Shakira, sida aad hoos ka arki doonto.

Muuqaalka heestan ‘Out of Your League’ ayaa waxaa daawaday 63 milyan oo Laatiin ah muddo 24 saac ah oo qura, taasoo rikoodh ah.

Hadalsame Media