Sweden oo laga sameeyey arrin ay aad uga caroodeen Turkigu & Wefdi Swedish ah oo la baajiyey (Daawo)

0

(Stockholm) 13 Jan 2023 – Sweden iyo Turkey maxaa kala heysta! Turkey ayaa baajisay booqasho uu Afhayeenka Baarlamaanka Sweden oo uu wehliyo kan Finland ay kula kulmi lahaayeen dhigooda Turkiga.

Baaqashadan ayaa timid kaddib markii Turkiga uu ka caroodey talaabo ay koox Kurdiyiin ah oo Turkiga argagixiso u aqoonsan yahay ay boombale ay ka mataleen Madaxwayne Erdogan kasoo laad-laadiyeen baalle ku hor yaalla xarunta degmadda ee Stockholm (Stadshuset i Stockholm).

Dowladda Sweden ayaa cambaareysay falkaas ay ku kaceen kooxda Kurdiyiinta ah, Ra’iisul Wasaaraha Sweden waxa uu ku tilmaamay ficilkan mid lagu jalaafeeynayo dadaalka uu dalkiisu ugu jiro ku biirista NATO oo ku xiran in Turkigu taageero (ogolaado).

Yeelkeede, Turkigu wuxuu sheegay in aanay ku filnayn in la cambaareeyo falkaas loogu gefey Madaxwaynaha dalkaasi, balse loo baahan yahay tallaabo kale.

Tan ugu darani waa in Turkigu doonayo in kooxahan boombalaha sameeyey ay yihiin kuwo uu Turkigu muddo doonayey in loosoo gacan geliyo.

W; D: Jibriil C Macallin

Hadalsame Media