Sucuudiga oo wada doonaya inay isku helaan Ronaldo & Messi (Koox lacagtii ugu badnayd u joogta Messi)

0

(Hadalsame) 13 Jan 2022 – Aabaha dhalay Lionel Messi ee Jorge ayaa lagu xamanayaa inuu ku sugan yahay magaalada Riyaad si uu wada hadallo ula yeesho maamulka Al-Hilal xilli ay jirto suurtagalnimada in wiilkiisu uu kula biiro kooxdan ka dhisan Sucuudiga heshiis qaali ah oo uu sanadkii ku qaadanayo £245 milyan oo ginni.

Messi ayaa dib ugusoo laabtay gool dhalinta kooxda PSG Arbacadii kulankiisii ugu horreeyey tan iyo markii uu ku guulaystey Koobkii Adduunka bishii hore, laakiin saasoo ay tahay mustaqbalkiisa naadigu waa mid aan la hubin.

Qandaraaska kabtanka Argentina ayaa dhacaya bisha Juun, misna tiiiyoo la sheegay inuu PSG u xaqiijiyey PSG inuu saxiixi doono heshiis cusun, hadana waxaa soo baxday in Al-Hilaal ay doonayso inay keenaan Saudi Arabia.

Waxay diyaar u yihiin inay siiyaan $300m oo Doollar sannadkii (£245m) si ay heshiis uga keenaan laacibka, sida laga soo xigtey Mundo Deportivo.

Nasser Al-Attiyah, oo ka mid ah qaraabada Amiirka Qadar, ayaa sii hurisay wararka la isla dhexmaray dhexmarayo ee ah inuu u dhaqaaqi doono Bariga Dhexe kaddib iyadoo la sheegay inuu yiri: ‘Messi, naadigiisa xiga kaddib marka uu ka tago Paris Saint-Germain, waa mid ka dhisan Saudi Arabia.

Dhanka kale, Al-Hilal ayaa haatan laga mamnuucay inay ciyaartooy soo qaataan ilaa suuqa kala iibsiga ee soo socda, laakiin waxa ay doonayaan in Messi uu haatanba lasii saxiixdo kahor inta uusan kusoo biirin xagaaga.

Hadalsame Media