Fulham oo cusbo sii marisay dhaawaca Chelsea (Farriin ay haatan tirtay waxa ku qoran)

0

(London) 13 Jan 2022 – Kooxda Fulham ayaa u muuqatey inay ku maadsanayso kooxda ay xafiiltamaan ee galbeedka London ee Chelsea kaddib markii baraha bulshada soo dhigeen qoraal ku camirnaya saxiixooda cusub ee Joao Felix oo roose qaatay kulankiisii ugu horreeyey ee Premier League ee uu la lahaa kooxda Craven Cottage.

Felix ayaa bilowgii ciyaarta u muuqdey mid wacdaro dhigaya markii uu si toos ah u galay safka Chelsea wax aan sidaa uga badnayn 24 saacadood kaddib markii uu dhammaystiray amaah 9 milyan oo ginni ah oo uu kaga soo wareegey Atletico Madrid.

Yeelkeede, fiidnimadiisu kuma dhamaanin si wanaagsan, kaddib markii la tusay kaarka cas oo toos ah kaddib markii uu faawal qar iska tuur ah ka galay Kenny Tete daqiiqaddii 57-aad, kulankaasoo ay 2-1 ku badisay Fulham.

Fulham ayaa si deg deg ah Twitter-ka ugu soo qortay fal-celintooda kaarka cas ee Felix, iyaga oo soo dhigay fariinta af Spanish ah oo u dhigan ‘#AdiosJoao’, inkastoo uu laacibku u dhashay Bortuqiiska.

Hadalsame Media