Conte oo Arsenal si caqli ah ugusii nuday garsoorayaasha kahor kulanka Derby-ga Woqooyiga London (Cillad uu ka sheegay)

0

(London) 13 Jan 2022 – Laacibka Antonio Conte ayaa si dadban u weeraray wax uu ku sheegay ixtiraam yari ay kulamadii dambe muujinayeen ciyaartooyda qaar, gaar ahaan marka ay la xaalayaan garsoorayaasha, kahor kulanka derby-ga woqooyiga London.

Tababaraha Tottenham ee Conte si toos ah uma abaarin Arsenal balse wiilasha Mikel Arteta oo ah hogaamiyeyaasha Premier League ayay FA-gu ku eedeeyeen inay ku guuldaeraysteen inay xakameeyaan ciyaartooydooda kulamadii ugu dambeeyey ee Newcastle iyo Oxford.

“Ciyaarta muhiika ah ee sidan oo kale ah, ixtiraamka ayaa mar walba yaalla meesha ugu sarreeysa” ayuu yiri Conte. “Waa inaad ixtiraam u muujisaa xaalad kasta iyo gaar ahaan garsooraha sababtoo ah si fiican ayaan u garanayaa inay adag tahay inaad garsoore noqoto, si aad go’aan u qaadato

“In la cabsi geliyo ama la abuuro jawi xun cadaalad maaha. Ma jecli taas. Waanna necbahay dadka isku daya inay sidaa sameeyaan.” ayuu yiri.

Si kastaba, si la mid ah Arteta, Conte yaa waxa uu caan ku yahay caro badan waxaana laga saaray garoonka horraantii xilli ciyaareedkan markii uu VAR meesha ka saaray goolkii Tottenham ee Champions League kulan ay ka hortageen Sporting Lisbon.

“Runtii aad ayaan u xanaaqey laakiin waligey kama tegin ixtiraamka garsooraha,” ayuu yiri tababaraha Spurs. “Daqiiqad kasta waa inaad muujisaa ixtiraam.” ayuu raaciyey.

Hadalsame Media