Seddax sababood oo keentay in war-murtiyeedka Puntland uu yeelan waayo saamayntii uu ka rabey MW Deni

0

(Garoowe) 11 Jan 2023 – Maamul-goboleedka Puntland ayaa 9-kii bishan soo saaray war-murtiyeed ay ku sheegtay inay hadda kaddib u dhaqmi doonto sidii “dowlad gaar ah” oo ka madaxbannaan Dowladda Federaalka ah ee Somalia.

Bayaan dheer oo kasoo baxay Madaxtooyada Garoowe ayaa lagu sheegay in Puntland ay waqti badan gelisey dowlad dhisidda Somalia, balse lagu guuldarraystay waxyaabo badan oo wadar ogol ay ku sheegeen oo qodobaysan. Halkan ka aqri….

Yeelkeede, war-murtiyeedka Puntland ayaan ilaa haatan yeelanin saamayntii la filayey marka lagu eego sidii ay ka rabeen madaxda Maamulka Puntland oo arrintan doonayey inay ka dhigaan sidii ”dhul-gariir siyaasadeed.” Waxaana sida macquulka ah u sabab ah 3 arrimood:

1 – Shacabwaynaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan Puntland oo inta badan aan taageersanayn fikradda go’itaanka, iyadoo ra’yi ururin dadban oo aan ku samaynay shacabka ay kasoo baxday inay khalad u arkaan wax kasta oo ku saabsan go’itaan ama u dhaqmidda sidii ”dal gaar ah.”

2 – Madaxda Maamulka Puntland oo marar badan oo hore ku gooddiyey ama ku dhowaad u dhaqmayey sidii inaysan hoos tegin DF Somalia, iyagoo tusaale ahaan heshiisyo lasoo gelayey dalal qalaad, waloow ay sanadihii dambe ay hoos u dhacday faragelintii muuqatey ee dalalka deriska taasoo iyana wax badan ka bedeshey hab-dhaqankii is dhinac orodka ahaa, dalka qura ee haatan la tagana kusoo koobtay Imaaraadka oo isagu qorshayaal gurracan ka leh Somalia.

Sidaa darteed, war-murtiyeedka Puntland micne badan shacabka uma samaynayn maadaama waxa ku qoran ay ha badato ama ha yaraatee ay markii horeba samaynayeen tan iyo markii Dastuurka maamulkaasi uu Faroole ku daray qodob foowdo ah oo uusan jirin meel uu dunida ka shaqeeyo oo ah markii aan doono ayaan goosan karaa, marka dad bay ula muuqatey ”war la qabaa xiise ma leh”.

3 – Shacabka oo ku daaley doodaha goosashada aan shacabka lagala tashan, nidaamkii caadiga ahaana la marin, weliba aan ku dhisnayn dan umadeede ay koox siyaasiyiin ihi wadaan, taasoo 1991-kii ay bilowgii ku dhaqaaqeen SNM oo sheegay inay gooyeen Somaliland tiiyoo uusan dastuurkoodu xitaa taa qabin islamarkaana shacabka iyo madaxdii diidanayd aan waxba laga waydiinin, balse ilaa haatan dhali la’ mirihii laga dhowrayey, sidaa darteed, dad badan oo ay u badan yihiin shacabka ku nool Puntland ayaa arrintan uga jawaabey murtida tiraahda ”Timirtii horeba dab loo waa.”

W; Q: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media