Messi oo sabab u noqday inay PSG gasho malaayiin khasaaro ah & UEFA oo ku dheggan (Kharashkii abid ugu badnaa oo ay bixisay)

0

(Paris) 10 Jan 2023 – Kooxda Paris Saint-Germain ayaa diiwaangelisay kharash kubadda cagta abid mushaar ahaan loogu bixiyo kii ugu badnaa abid iyada oo ay ugu wacan tahay soo qaadashada Lionel Messi iyo laacibiin kale xilli ciyaareedkii hore iyaga oo bixiya kharash dhan £643 milyan oo ginni sanadkii.

Waxaa koror dhan 45 boqolkiiba dhanka kharashka mushaharka kooxdan Faransiiska ah kaddib markii ay la soo saxiixdeen signed Messi, Sergio Ramos, Achraf Hakimi iyo kuwa kale bilowgii ololaha 2021-22.

Messi ayaa lagu soo waramayaa inuu qaatay £25.6 milyan oo ginni xilli ciyaareedkii hore, iyadoo mushaarkiisa ay sii dheer yihiin kuwa shakhsiyaadka kale ee waaweyn ee kooxda ka tirsan ee ay ku jiraan Kylian Mbappe iyo Neymar.

Taasina waa xitaa kahor inta uusan  xiddiga France ee Mbappe aqbalin qandaraaskiisa cusub ee qaaliga ah bilowgii xilli ciyaareedkaan, kaddib markii uu diidey Real Madrid, taasoo sida muuqata uu qiimihiisu yahay £547milyan oo gini muddo saddex sano ah.

Waxaa la yaab lahayn, in biilka mushaharka ah ee badan ee PSG uu horseeday inay  diiwaangeliyaan khasaare dhan £326milyan oo gini marka la eego xisaabaadkoodii maaliyadeed ee ugu dambeeyey.

Dabayaaqadii Sebtembar, PSG waxa ay UEFA ku xukuntay ganaax dhan £56milyan oo gini, kaas oo 9 milyan ka mid ah ay ahayd in si buuxda mar qura loo bixiyo, sabab la xiriirta jebinta sharciga Financial Fair Play (FFP).

Sida lagu sheegay barta Twitter-ka, kharashka PSG ah ayaa dhaafay midkii rikoodhka haystey oo ahaa midkii Barcelona oo ahaa £478milyan oo gini xilligii uu Messi uu u ciyaarayey, 2019-kii.

Kooxda seddexaad ee ugu sarreeysey ayaa sidoo kale ahayd isla Barcelona, ​​2018-kii, markaasoo ay ciyaartoydooda siinayeen lacag dhan £466 milyan ginni marka la isu geeyo.

Hadalsame Media