Lacag aad uga badan midda haatan la sheegay oo la siinayo Ronaldo (Koobka Adduunka oo mar qura lagu qaban rabo 3 qaaradood)

0

(Hadalsame) 10 Jan 2023 – Cristiano Ronaldo ayaa la sheegay in heshiiska uu kula biiray Al-Nassr ay sidoo kale ku lamaanan tahay shuruud ah inuu Dowladda Sucuudiga ka qaadanayo 200 milyan oo Euro (in ka badan 2.2 bilyan oo karoon), sida ay ilo xog ogaal ah kasoo koobisey AFP.

Sacuudi Carabiya, Giriigga iyo Masar ayaa waxay rabaan inay si wadajir ah u abaabulaan Koobka Adduunka ee Kubadda Cagta sanadka 2030-ka. Waana arrin naadir ah oo Kooba markii ugu horreeysey 3 qaaradood mar qura lagu ciyaarayo.

Waxay la tartamayaan dalal kale sida Spain, Portugal iyo Ukraine, iyo sidoo kale dalal Koonfurta Ameerika dhaca oo ay ku jiraan Uruguay, Argentina, Chile iyo Paraguay.

Cristiano Ronaldo ayaa horraanba hadda ah cayaaryahanka ugu mushaarka badan caalamka, balse hadda waxa uu u muuqdaa mid weli sii kororsan doona mushaarkiisa.

”Waxa uu Danjire Sucuudiga uga noqon doonaa Koobka Adduunka iyagoo siinaya 200 milyan oo Euro oo kale.” ayuu qofkani u sheegay AFP.

Ronaldo ayaan weli ciyaarin kulankiisii ​​ugu horreeyey ee kooxda Al Nassr ganaax dul saaran iyo diiwaangelinta dartood, laakiin waxaa la filayaa inuu kulankiisaasi safto 19-ka Janaayo markaasoo Paris Saint-Germain ay Saudi Arabia u tegeyso kulan bandhig ah, taasoo ka dhigan inuu wajahayo Messi.

Saddex maalmood kaddib, wuxuu safan karaa kulankiisii ​​ugu horreeyay ee tartan rasmi ah ee Horyaalka Sucuudiga isagoo wajahaya kooxda Ettifaq.

Hadalsame Media