Laacib caan ah oo laga cayriyey ciyaar uu laftiisu soo qabanqaabiyey (Sida ay wax u dheceen?)

0

(Hadalsame) 10 Jan 2023 –  Waxaa dalka Jarmanka ka dhacday arrin dadka qaarkood ay xaraabo iyo maad u arkeen qaar kalena ay ku tilmaameen wax lagu wareero oo yaab badan leh.

Waa wax aan la rumaysan karin waxa ku dhacay Lukas Podolski. Laacibkan Jarmanka ah ayaa laga saaray tartanka Schauinsland Reisen Cup, oo ah tartan saaxiibtinnimo oo loosoo agaasimay in lacag loogu ururiyo qaab samafal ah.

Tan ugu qosolka badani waa in ciyaartan laga eryay ee samafalka ah uu Lukas Podolski isagu soo abaabuley.

Laacibkan ayaa muddo dheer aad uga qaylinayey khalad uu garsooruhu ka dhigay. Wuxuuna markii garoonka laga cayriyey uu caagad biyo ah ku tuuray jihadii garoonka.

Hadalsame Media