Federaalka miyaa khaldan mise annaga ayaa u qaadannay si kharriban (Ogow halka ay iska qaban la’dahay)

0

(Hadalsame) 10 Jan 2023 – Maanta waxaa ka jira dunida 25 dal oo Federaal ah oo ay ku hoos nool yihiin 40% dadka ku nool koonkan. Dalalkaas waxay isugu jiraan kuwa aad u dad badan, una baaxad wayn iyo kuwa yaryar dhul ahaan iyo dad ahaan. Mareykanka, Brazil, Nigeria, Germany iyo India ayaa tusaale noogu filan. Haddii Gobolkeenna la eegana waxaa tusaale noqon kara Itoobiya.

Federaalka aan dooneyno ma jiro dal kale oo looga dhaqmo adduunyada waayo waxaa naga qasan in baahida aan federaalka u qabno lagu saleeyo adeeg daadajin, awood qeybsi iyo wadaaga khayraadka. Intaba hadda la isku diidana, dalkuna ma aha mid Caasimad ka nool ah kaliya.

Waxa la isku diidan yahay oo maamul walba looga laalaado waa awooddii Dowladda Dhexe lahayd oo la doonaayo in si raqiis ah nin hal magaalo xukuma inuu kula daarto isaga oo hareer maraya Xildhibaannadii iyo Odayashii Aqalka Sare ee matalayay ee uu isaga gacantiisa kusoo xalay. Waxaa taas caddeyn u ah xulashadii u dambeysay Xildhibaannada Labada Aqal.

Gari Alleey taqaanaaye nidaamka Fedeaalka waa mid qiimo badan, waxtar uleh bulshooyinka ku dhaqma oo ay dalal naga hormarsan ku caano maaleen laakiin Dowlad Goboleedyadu wixii dheef iyo dan u ah haku mintideen laakiin awoodaha dastuuriga ah ha uga leexdaano dadka ay usoo dirsadeen Goleyaasha Dowladda Federaalka inta laga gaarayo nidaam axsaab iyo doorasho toos ah ku dhisan oo matali kara shacabka Soomaaliyeed.

Haddii taas la yeeli waayo oo indha cadeyska sii socdo, haddee haddaba heshiis kuma nihin sida loogu dhawaaqee qolo kasta ha haysato ”Federaal, Fadaraal iyo Fidiraal” sida ay u fahamsan tahay ee qalloocan kaasoo ku jaan go’an danta qofka markaas xafiiska fadhiya ee ku awr kacsanaya.

W; Q: Cabdinuur Maxamed Axmed

Hadalsame Media