Dowladda Sweden oo lacagta dadka loo siinayo kabka korontada dalka oo dhan ka dhigtay & Halka laga dalban karo (Dhegeyso)

0

(Stockholm) 10 Jan 2023 – Xukuumadda ayaa soo jeedisay kabid dhaqaale koronto ee dalka oo dhan ah, iyo sidoo kale waqooyiga Iswiidhen, middaasina oo ka duwan go’aankii hore ee xukuumadda.

Taageeradan dhaqaale ayaa ku jiheeysan iimihii korontada ee bilihii Nofeember – Diseember ee 2022. Wasiirka tamarta Ebba Busch ayaa sheegtay inuu xilligaasi meesha ka baxay farqigii u dhexeeyay qiimaha korontada ee nawaaxiyada koonfur iyo waqooyi.

Hayadda Svenska kraftnät ayaa sidoo kale baaris ku sameeyn doonta haddii ay suurtagal tahay in la soo bandhigo saqafka ugu sarreeya ee taageero dhaqaale lagu heli karo isticmaal koronto, si guryaha loogu dhiiri geliyo dhowrista korontada.

Lacagtan kabka korontada ayaa laga dalban karaa Hay’adda Khasnadda Caymiska Dadwaynaha ee Försäkringskassan.

Hadalsame Media