”Deg deg u jooji isticmaalkeeda” – 100 carruur ah oo ku dhintay sariir ilmaha lagu hurdisiiyo oo aad loo isticmaalo + Sawirro

0

(Hadalsame) 10 Jan 2023 – Guddiga Badbaadada Macaamiisha ee Maraykanka (CPSC) ayaa sheegay in sariirta yar ee carruurta lagu luxo ee Fisher-Price Rock’n Play Sleepers, oo markii hore suuqa laga saaray Abriil 2019-kii,  hadda lala xiriiriyey geerida in ka badan 100 dhallaan ah.

Dib u celinta oo dhacday ku dhowaad afar sano kahor kaddib markii la sheegay in ugu yaraan 30 dhallaan ihi ay dhinteen markii is rogeen ama caloosha u seexdeen iyagoo aan xirnay iyo duruufo kale, ayaa haatan waxaa soo baxday warbixin cusub.

Tirada ayaa tan iyo markaa kaddib kor u kacday ilaa 70 kale oo dhimasho ah kaddib markii la waraystay waalidiin leexo-caruureedkan haystey markii ay suuqa soo gasha 2009 ilaa dib loo celiyey 2019, kuwaasoo sheegay in ilmahoodu ay dhinteen iyagoo hurda.

Siddeed carruur ah oo dheeraad ah ayaa dhintay kaddib markii qalabkan laga saaray suuqa, iyadoo guud ahaan  suuqa laga saaray 4.7 milyan oo unug oo sariirahan yar yar ee ilmaha lagu lulo marka la hurdisiinayo ah, sida ku cad warbixinta shalay soo baxday.

“Waxaan hadda ognahay in dhimashada 100 dhallaan ihi ay sababsadeen sariirta Rock n’ Play.” ayuu yiri Guddoomiyaha Guddiga Badbaadada Macaamiisha, Alexander Hoehn-Saric oo uga digay qoysaska weli haysta inay si deg deg ah u joojiyaan isticmaalkooda.

FG: Arrintani waxay khusaysaa Maraykanka oo ah meesha digniinta laga soo saaray, balse waa muhim in suumanka loo xiro marka uu ilmuhu jiigo sidoo kalena lala socdo.

Hadalsame Media