Xog yaab leh oo kasoo baxday tababarka asaasiga ah ee ciidanka laga keenay Eritrea (Dan ku qarsanaan karta?)

0

(Muqdisho) 09 Jan 2023 – Warar aan si dhab ah loo xaqiijin karin oo ka imanaya Muqdisho gaar ahaan xerada la geeyey Ciidanka laga soo celiyey Eritrea ayaa tibaaxaya xog nooc cusub ah.

Askarta dhowaan laga soo celiyey Eritrea ayay xogtani sheegaysaa inay u baahan doonaan dib u tababarid dheeraad ah.

Sida uu sheegay sarkaal sare oo ka tirsan ciidanka XDS, askartani ma laha xirfado aasaasi ah oo ku saabdan dhanka maaraynta hubka iyo xitaa qoryaha fudud.

Taasi waxay daliil cad u ah in badankoodu aanay qaadan tababar ku saabsan xirfadda la macaamilidda hubka iyo qoryaha, ayay sheegeen saraakiishan oo aan doonayn in la magacaabo.

Su’aasha ugu wayni waxay tahay, macquul ma tahay arrintani, maxay se baranayeen muddo shan sano ah haddii aysan qoryaha aqoon?

Dadka qaar oo la hadlay Hadalsame ayaa ku doodaya inay tani sidoo kale noqon karto dacaayad la doonayo in lagu xalaaleeyo in ciidankan lagu wareejiyo Imaaraadka Carabta iyadoo la sheegayo inay tababar hor leh u furayaan.

Hadalsame Media