”Waxaan doonaynaa Tuchel & Abramovich!” – Taageerayaasha Chelsea oo dhegahadal bilaabay & Guardiola oo bixiyey talo aysan jeclayn (Daawo)

0

(Manchester) 09 Jan 2023 – Taageerayaasha Chelsea oo niyad jab ku dheehan yahay ugu qaylinayey magaca macallinkoodii hore ee Thomas Tuchel iyo milkiilihii Roman Abramovich markii ay 4-0 marsiinaysey kooxda Manchester City oo maalmahan rukumatay.

Qayb ka mid ah taageerayaashii doolka ahaa oo gaarayey 8,000 oo qof ayaa cari kulasoo jeestey milkiilaha kooxda iyo macallinka Graham Potter jeer ay Blues ku dhacday guuldarradii shanaad todobadii kulan ee ugu dambeeyey ee ay ciyaartay.

Taageerayaasha socotada ah ayaa la maqlayey iyagoo ku dhawaaqaya ‘Waxaan haysanna Tommy Tuchel’ oo laga maqlayey tarabuunka Manchester. Magaca milkiilihii hore Abramovich ayaa sidoo kale si wayn loogu heesayey xilli bandhigga kooxda lagu tilmaamay mid eber ah.

Dhanka kale macallinka Manchester City ee Pep Guardiola ayaa u sheegay milkiilaha Chelsea ee Todd Boehly inuu ku khasban yahay inuu fursad siiyo tababaraha cadaadisku saaran yahay ee Graham Potter si uu fikradihiisa iyo xeeshiisa uga hirgeliyo Stamford Bridge kaddib markii uu garaacday Blues markii labaad muddo afar maalmood gudahood ah.

“Waxaan ku dhihi lahaa Todd Boehly, waqti sii macallinka,” ayuu yiri Guardiola. “Waan ogahay kooxaha waawayn, natiijadu waa muhiim laakiin waxaan dhihi lahaa waqti sii,” ayuu raaciyey.

“Waxaan Barcelona ku fakaday (Lionel) Messi xilli ciyaareedkaygii ugu horreeyey sidaa darteed uma baahanin laba xilli ciyaareed sababtoo ah Messi ayaa ii joogey.” ayuu ku dooday Guardiola oo aan deg deg kula qabsan Man City waloow Chelsea aysan ahayn koox macallimiinta waqti siisa waana sababta ay bilowgiiba u cayriyeen Tuchel.

Hadalsame Media