(Hadalsame) 09 Jan 2023 – Waxaa saacadihii ugu dambeeyey baraha bulshada qabsaday warqad la sheegay inay kasoo baxday 4 Maamul-goboleed.
Maamullada oo kala ah KG Somalia, Jubaland, Hirshabeelle iyo Galmudug ayaa hay’adda Cuntada Adduunka ka dalbanayey inaysan wax usoo marsiinin DF Somalia, sida bayaanka ku xusan.
Yeelkeede, Wasiirada Maamul-goboleedyada warqaddan ku saxiixan ayaa Dalsan TV u xaqiijiyey inay gebi ahaanba been abuur tahay warqaddan oo saacadihii la so dhaafay qabsatay baraha bulshadda.
Hadalsame Media
Facebook Comments