Milkiilayaasha PSG oo doonaya inay koox ka iibsadaan EPL (Koox ay la kulmeen & Man United iyo Liverpool oo miiska saaran)

0

(London) 09 Jan 2023 – Madaxwaynaha kooxda PSG ahna guddoomiyaha maal-gashiga ciyaaraha Qadar ee Nasser Al-Khelaifi ayaa la kulmay Daniel Levy, xilli ay milkiilayaasha kooxda Faransiiska ihi ay doonayaan inay maalgashadaan koox ka dhisan Premier League.

Al-Khelaifi ayaa hotel London ku yaalla kula kulmay Gudoomiyaha Fulinta Tottenham todobaadkii hore iyada oo ay Qadarigu doonayaan inay badasho habka istiraatiiji ahaan ay wax u maalgashadaan sanadka 2023-da, sida laga soo xigtay hilinka Sky.

Warkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay kooxaha Premier League ku xafiiltama ee Manchester United iyo Liverpool ay labaduba raadinayaan iibsadayaal qalaad ama maalgashadayaal cusub.

Marka laga soo tago doorkiisa PSG, Al-Khelaifi sidoo kale waa madaxwaynaha ururka naadiyada kooxaha Yurub, iyadoo Levy uu xubin ka yahay guddiga fulinta.

Hay’adda Maalgashiga Ciyaaraha ee QSI ayaa la sheegay inay doonayso inay maalgashato kooxo fara badan sida ay sameeyeen City Football Group oo saamiga ugu badan ku leh Manchester City, iyo sidoo kale New York City FC, Melbourne City FC, Yokohama F. Marinos, Girona iyo Mumbai City FC, Palermo iyo sidoo kale dhowr kale.

Hadalsame Media