Midowga Yurub & Maraykanka oo keenay mashruuc caalami ah oo ay kula xafiiltamayaan Shiinaha (Somalia oo loo calaameeyey…. )

0

(Brussels) 09 Jan 2023 – Belt & Road Initiative (BRI) waa mashruuc culus oo Shiinugu ay ku rabaan isku xirka Galbeedka Aasiya iyo Yurub. Shiinaha ayaa si wayn hindisahan dhaqaale uga buunbuunisay warbaahinta.

Laakiin Midowga Yurub iyo Maraykanka ayaa waxa ay iyana haatan xoogga saarayaan mashruuc ay BRI kula xafiiltamayaan oo la yiraahdo Global Gateway, kaasoo noqon doona mid ka qaab duwan kan Shiinaha oo ku salaysan wax lagu sheegay xeerarka dimoqraadiga ah, maalgelinta hufan, iyo hadafyada waari kara.

Dhagaysi ka dhacay Barlamanka Yurub bishii hore, sharci-dejiyayaashu waxay dalbadeen in la shaaciyo tafaasiisha mashruucan la qorshaynayo waxaana loo sheegay in 300 bilyan oo Euro loo qoondeeyey mashruucan.

Tan ugu darani waxay tahay in Xildhibaannada Midowga Yurub loo sheegi waayey halka ay ka imanayso lacagtan 300 bilyan oo Euro ah ee mashruucan lagu khasirayo, taasoo loo qaatay inay iska tahay hadalladii afka baarkiisa ahaa ee ay reer Galbeedku ku sumcad beeleen, taasoo ah sababta ay dalal badani ugu jihaysteen dhanka Shiinaha marka horeba.

Recently, Japan pledged US$ 30 billion of aid and investment for Africa to counter Chinese influence. But the EU is counting the chicken before these are hatched. Recently, a gala event was held in Brussels to explain to participants of the age group of 18-35 what the Global Gateway concept was.

Dhowaan, dalka Japan ayaa $30 bilyan oo Doollar oo gargaar iyo maalgashi ah ugu yaboohday Afrika si looga hortago saamaynta Shiinaha. Laakiin Midowga Yurub ayaa la sheegay inay sii tirsanayaan sheeko u eg wanka aan qali doono subagga aan ka shiili doono, iyagoo US$ 410,000 oo euro ku bixiyey siminnaar dad ay da’doodu u dhaxayso 18-35 loogu sharraxayo fikradda Global Gateway si saxaafadda looga buunbuuniyo.

Qof ayaa Twitter-ka kusoo qoray inuu aad uga xun yahay in iyadoo ay abaar xuni ka jirto Bariga Afrika lacag intaas la’eg lagu bixiyo buunbuunin saxaafadeed.

Sida jaantuska ka muuqata Global Gateway ayaa meelaha ay bartilmaameedsanayaan waxaa ka mid ah Somalia oo ay Midowga Afrika haddaba joogaan, balse aysan doonayn inay hal weji ku wajahaan iyagoo si dadban u dhiirrigelaya khilaafka iyo qaybsan Somalia, in kastoo ay eedda koowaad leeyihiin siyaasiyiinta Soomaalidu.

Waxaa meelaha la mudey ka mid ah meel ku beegan xad-beenaadka Somalia iyo Kenya.

Hadalsame Media