Laba kooxood oo sidii ay u ciyaarayeen mar qura feer & laad iskala daaley (Daawo)

0

(San Jose) 09 Jan 2023 – Muuqaallo foowdo ah ayaa kasoo baxay kulan sannad-guuro ah oo u dhaxeeyey kooxaha Costa Rican-ka ah ee Guanacasteca iyo Liberia kaddib markii ay ciyaartooyda labada kooxood ay bilaabeen inay ku dagaallamaan gudaha garoonka.

Muuqaallada ayaa muujinaya ciyaartooyda labada kooxood oo feee iyo laad isla dhacaya kaddib markii ay xiisadi ka dhex aloosantay ciyaarta, waxaana si ku meel gaar ah loo hakiyey ciyaarta.

Jawiga rabshadaysan ayaa lagu arkayey tiro ciyaartooy ah oo si arxandarro ah u weeraraya laacibiinta kooxda kale, iyadoo dhacdadan lagu tilmaamay inay tahay mid sumcad xumo usoo jiidaysa kubbadda cagta dalkaasi.

Kaliya 26 daqiiqo ayay ciyaartu socotey markii iyada oo natiijadu 2-1 marayso uu dagaalku bilowday, waloow ciyaarta markii dambe dib loosoo celiyey oo ay Guanacasteca kusoo noqotay ciyaarta oo ku idlaatay barbarro 3-3 ah.

Hadalsame Media