Kooxda Real Madrid & Xiriirka Faransiiska oo ka tafatay (Hadallo bahdil ah oo ka dhan ah Zidane + Benzema & Mbappe oo u hiilliyey)

0

(Real Madrid) 09 Jan 2023 – Kooxda Real Madrid ayaa soo saartay bayaan ay ku difaacayso Zinedine Zidane kaddib markii Guddoonka Xiriirka Kubada Cagta France uu sheegay inuusan xitaa taleefoonka ka qabteen 50-jirka Zidane haddii uu soo waco si uu u qabto macallinnimada xulka qaranka France.

Tababarihii hore ee Real Madrid ayaa waxaa lala xiriirinayey shaqada France kaddib markii Les Bleus ay guuldarro kala kulantay Argentina final-kii Koobka Adduunka 2022-dii. Si kastaba ha ahaatee, xiriirka FFF ayaa dhowaan ku dhawaaqday in Didier Deschamps uu saxiixay heshiis kordhin gaaraya ilaa 2026-ka.

Noel Le Graet, oo ah Guddoomiyaha Xiriirka Kubbadda Cagta Faransiiska, ayaa cusbo ku shubay nabarka Zidane isagoo ku dooday inaanu marna ahayn nin tartan u geli karey inuu la wareego Les Bleus oo uusan xitaa ka jawaabi lahayn wicitaankiisa.

Real Madrid oo hadalkaa bahdilka ah ka carootey ayaa soo saartay bayaan ay ku taageereyso Zidane. Naadigu waxa uu Zidane ku tilmaamay ‘mid ka mid ah halyeeyada isboortiga adduunka’ waxayna sheegeen in hadallada Le Graet ay ahaayeen kuwo ixtiraam darro ah.

Real Madrid ayaa soo saartay bayaan ay ku taageereyso Zidane. Naadigu waxa ay ku tilmaamtay ‘mid ka mid ah halyeeyada isboortiga adduunka’ waxayna sheegeen in hadalada Le Graet ay ahaayeen kuwo ixtiraam darro ah.

Kooxda reer Spain ayaa sidoo kale su’aal gelisay hadalka Le Graet ee ku saabsan Karim Benzema iyo guud ahaanba sida ay Faransiisku ula dhaqmeen – laacibkan ku guulaystay Ballon d’Or kaddib markii uu u dhaliyey 44 gool 46 kulan oo uu u saftay Real Madrid xilli ciyaareedkii hore.

Dadka ka xumaaday warxumada Guddoonka FFF waxaa ka mid ah xiddigga Kylian Mbappe oo ka dayriyey in sidaa loo bahdilo qof halyeey ah, isagoo yiri “Zidane waa France”

Zidane ayaa 149-kii kulan ee ugu horreeyey isagoo Real hoggaaminaya u qaaday seddex koob oo isku xigta oo Champions League ah, iyo sidoo kale koob La Liga ah iyo Club World Cup, kahor inta uusan ka tegin xagaagii 2018.

Kaddib wuxuu ku soo laabtay 2019 oo uu layliyey 119 kulan oo dheeri ah taasoo Real u horseedday horyaal kale oo La Liga kahor bixitaankiisii labaad ee Juun 2021-kii.

Hadalsame Media