”Albaabka ayay igu dharbaaxday” – Keane oo ka sheekeeyey shukaansi xumadiisa & Waxa kala qabsaday xaaskiisa ay wada joogeen tan iyo 1997-kii (Daawo)

0

(London) 09 Jan 2023 – Raacihii rafka ah ee Roy Keane ayaa Theresa Doyle uga sheekeeyey shukaansi xumadiisa, markii ay is baranayeen xaaskiisa oo ay is qabaan tan iyo 1997-kii, waxayna leeyihiin shan caruur ah iyo laba ay awoowe iyo ayeeyo u yihiin.

Laakiin waxay sheekadoodu ku bilaabatay si xun 15-daqiiqo ah markaasoo uu xiddigga heerka caalami ee dalka Ireland uu joogay Nottingham Forest horraantii 1990-meeyadii, kahor inta uusan u dhaqaaqin Man United, halkaas oo uu kabtan ka noqday.

Barnaamijka The Tommy Tiernan Show, Keane, oo hadda 51-jir ah, ayaa ka hadlay noloshiisa jacayl ee soo bilaabatay soddon sano kahor, isagoo ku dooday in aanu danayn jirin ‘cayriga dumarka’.

Keane ayaa yiri: “Waxay noogu bilaabatay si xun. Waanu kulannay, waxaan ka soo qaaday Ground City oo ku taalla Forest. Waxaan ku iri, Ma jeceshahay inaad shaneemada gasho? Waxay ku tiri maya! Waayo xalay baan u raacay saaxiibaday.”

“Waxaan ku iri “ma doonaysaa inaad wax soo cabto” waxayna igu tiri maya… run ahaantii markii ay halkaa joogtey waxaan dib ugu noqday gaarigii, waxaas oo dhami waxay ku dhacayeen 10 ilaa 15 daqiiqo gudahood waxayna igu tiri “maxaad samaynaysaa?”

“Waxaan ku iri, “Hagaag, ma rabtid inaad wax soo cabto, ma rabtid inaad tagto shaneemada, maxaan kale oo aan samayn karnaa?”

“Goortaas waxay kasoo degtey [baabuurkii], waxaan ku iri, “laga yaabee inaan ku arko todobaadka soo socda?” Waxayna tiri, “uma malaynayo inay taasi dhacayso” albaabkii gaariga ayayna si adag u xirtey.

‘Taasi waxay ahayd shukaansigeennii noogu horreeyey, welina waannu is qabnaa!’ ayuu yiri Keane.

Halkan ka DAAWO WARAYSIGA….

Hadalsame Media

Facebook Comments