Waa kee laacibka cabtooyga ah ee uu markii dambe ku xanaaqey Leo Messi?

0

(Hadalsame) 08 Jan 2023 – Xulka Argentina ayaa markoodii 3-aad hantay Koobka Adduunka 2022-ka oo jiilaalkan lagusoo abyey dalka Qadar oo noqday dalkii ugu horreeyey ee Muslim ah ee martigeliya tartankan caalamiga ah.

Xulka Argentina ayaa haddaba sameeyey dabbaaldeg talax tag ah oo eedo badan loo jeediyey. Sergio Aguero ayaa haatan daaha ka qaaday in Lionel Messi uu aad ugu caroodey isaga kaddib markii uu ”khamri iska badiyey” xilligii dabbaaldegga Argentina ee koobka adduunka.

Weeraryahankii hore ee Argentina, oo 34-jir ah, ayaa aad uga dhex muuqdey dabbaaldegyadii waallida ahaa ee daba socdey guushii ay rigoorayaasha kaga badiyeen Faransiiska, maadaama uu xulka la joogey dalka Qadar in kasta oo uusan ciyaarin.

Xiddigii hore ee Manchester City, oo caafimaadka dartiis ku khasbanaaday inuu ka fariisto kubadda cagta xaalad wadnaha ah oo soo wajahday bishii Diseembar ee la soo dhaafay darteed, ayaa isagoo xiran funaanadda Argentina la xafldaynayey Lionel Messi iyo xiddigaha kale guusha kaddib.

Aguero, oo 101 kulan u saftay xulka dalkiisa, ayaa si cad u sheegay in xiddigga PSG ee Leo Messi uu ka waaniyey inuu aad u cabbo khamriga inta lagu guda jirey dabaaldegga, isagoo qirtay inuu mar ka tuuray dhalo dhan oo shampagne ah.

‘Wax badan ayaan cabbay laakiin ma cunin. Waxaan ahayn horyaal adduunka. Haddii ay wax igu dhacaan, ha ahaato halkaas,” Aguero ayaa u sheegay Tyc Sports.

“Leo [Messi] wuu igu xanaaqay wuxuuna igu yiri ‘jooji cabista khamriga’. Sideen u joojiyaa? Waxaan nahay horyaalada aduunka, aad ayaan u faraxsanaa.’ ayuu Aguero u sheegay Tyc Sports.

Hadalsame Media