Maraykanka oo DF Somalia ugu deeqay hub ku fadhiya malaayiin Doollar (Qaybaha uu ka kooban yahay)

0

(Muqdisho) 08 Jan 2023 – Dowladda Maraykanka ayaa maanta oo Axad ah DF Somalia ugu deeqday hub ku kacaya lacag dhan $9 milyan oo Doollar oo isugu jirta hub, gaadiid, agab caafimaad iyo qalab kale oo loogu talagalay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, waxaana munaasabada wareejinta ka qaybgalay Danjiraha Maraykanka, Larry Andre, Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamuud Nuur iyo Abaanduulaha Ciidanka XDS S/Guuto Odowaa Yuusuf Raage.

Hubkan culus ee la siiyey Ciidamada Somalia waxaa sidoo kale la sheegay inay la socdaan qalab dhisme iyo qalabka bambooyinka lagu soo saaro.

Millateriga Soomaaliya ayaa sheegay in sahayda ugu badan ay horraanba u direen furimaha hore ee uu ka soconayo duullaanka ka dhanka ah Al-Shabaab ee Maamul-goboleedyada Hirshabeelle iyo Galmudug.

“Waxaan ku faraxsan nahay guusha ay ciidamada ammaanka Soomaaliya ka gaareen dagaalka taariikhiga ah ee ay ku xoraynayaan bulshooyinka Soomaaliyeed ee ku hoos dhibaataysan Al-Shabaab,” ayuu yiri Danjire André.

“Kani waa olole ay hormuud ka tahay Soomaalidu islamarkaana ay Soomaalidu hoggaaminayso. Maraykankuna wuxuu markale xaqiijinayaa sida ay nooga go’an tahay inaan taageerno dadaalkiinna.” ayuu raaciyey.

Hubka oo ay ku jiraan gaadiid ciidan, qoryaha fud fudud iyo kuwa daran-doorriga u dhaca – waxa ay taageeri doonaan guutooyinka XDS iyo Danab ee hadda ka qaybqaadanaya howlgallada ka socda Hirshabeelle iyo Galmudug.

Hubkan ayaa lagu diiwaangeliyay iyadoo la raacayo siyaasadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Maaaeynta Hubka iyo Rasaasta, ayaa si wayn u kordhin doona halista iyo dhaq-dhaqaaqa ciidamada XDS iyo kuwa Komaandooska Danab ee ka qaybqaadanaya howlgalladan.

Hadalsame Media