Xulka Cameroon oo waysan laacibiin ku metesha ciyaar ay leeyihiin 12-ka bishan (Caqabad hor leh oo soo baxday)

0

(Yaoundé) 0 Jan 2023 – Xulka CAMEROON ee 17-jirrada ayaa waqtiga la hardamaya si ay iskugu duwaan koox ku metesha isreebreebka AFCON bishan kaddib markii ciyaartoy badan ay ku guuldarraysteen imtixaanbadii da’da ee laga qaaday, taasoo uu amray weeraryahankii hore ee Barcelona  Samuel Eto’o oo ah Guddoonka Xiriirka dalkaasi, sida uu sheegay Fecafoot.

Waxayna dalkan Afrikaanka ihi la kulmeen dhaawac hor leh oo ku yimid rajadooda ka qaybgalka tartanka oo bilaabmaya 12-ka bishan Jannaayo kaddib markii ay 11 ciyaartooy oo kale ay ku fashilmeen tijaabooyinkii da’da.

Xulka Cameroon ayaa horay looga saaray 21 xubnood oo ka tirsan xulkooda ay da’doodu ka hoosayso 17 sano jirka oo ka koobnaa 30 laacib xulka looga saaray sabab da’ la xiriirta, kuwaasoo ah inta badan ciyaartooydii sanadkan loo soo xulay tartanka UNIFACC – oo ay ku tartamayaan 17-jirada ka hooseeya ee dalalka Afrikada Dhexe – oo laga saaray tartanka kaddib markii ay ku guuldarraysteen imtixaankii da’da kaddib baaritaanno lagu qaaday iskaanka MRI.

Haatan, sida laga soo xigtey BBC Sport, macallinka Jean Pierre Fiala ayay haatan ku adagtahay inuu helo laacibiin buuxiya booska xiddigaha la cayriyey.

Cameroon ayaa lagu wadaa inay ciyaaraan 12-ka ilaa 24-ka Janaayo afar kulan oo ay la cayaari doonaan dalalka Congo, Chad, DR Congo iyo Central African Republic.

Labada xul ee ugu sarreeya ayaa u gudbi doona Koobka Qamada Afrika kaasoo ka dhici doona dalka Algeria bisha Abriil ee 2023-ka.

Hadalsame Media