Shiinaha oo ka naxsan awood cusub oo dhanka cirka ah oo uu Maraykanku soo bandhigay (Daawo xeeladdan naadirka ah)

0

(Hadalsame) 07 Jan 2023 – Hogaamiyayaasha millateriga Shiinaha ayaa u muuqda kuwo ka naxay oo ay kedo ku noqotay awood cusub oo ay soo bandhigeen Ciidanka Cirka ee Maraykanka (USAF). Gaar ahaan, awoodda ay u yeesheen inay  gantaalada Kuruuska ah ay kasoo ganaan diyaaradaha xamuulka ah taasoo ah arrin walaac leh oo ay ka fikirayaan khubarada millateriga Shiinaha.

Laba diyaaradood oo ah nooca MC-130J Commando II ayaa ku guulaystey inay cirka kasoo ganaan gantaalaha Joint Air-to-Surface Standoff Missiles (JASSM).

Rapid Dragon ayaa la yiraahdaa magaca barnaamijka ay Ciidanka Cirka ee USAF ay u adeegsanayaan in gantaalaha riddada dheer looga soo tuuro diyaarahada xamuulkaah sida C-130J Hercules/MC-130 Commando II iyo C-17 Globemaster III.

Gantaalaha ayaa ku jira qafisyo waxaana laga soo daadinayaa hawada iyagoo uu baarashuud ku xiran yahay si loo xadido hoobadkooda, kaddibna agab elektaroonig ah ayaa qaab joog ah ka dhigaya qafiska ay gantaaluhu ku jiraan si gantaalka loosii daayo.

Ciidanka Cirka Maraykanka ayaa sheegay in diyaaradaha MC-130J iyo kuwa iyo C-17 ay arrintan fulinteeda uga fiican yihiin diyaaradaha waawayn ee wax duqeeya sida kuwa B-52 iyo B-21 oo aan iman karin joogga hoose ee ay kuwani ku duuli karaan hab-dhaqaaq ahaanna ay ka fudud yihiin.

Hadalsame Media