Ninka fura ama xira Ronaldo oo lasoo helay (Wuxuu garab taagnaa tan iyo maalintii uu 16-jir ahaa)

0

(Riyaad) 07 Jan 2023 – Markii uu soo gaarey Sucuudiga si uu u dhammaystiro ku biiristiisa Al-Nassr, la yaab ayay ahayd in la arko Cristiano Ronaldo oo uu garab taagan yahay saaxiibkiis ay isku dhow yihiin ee Ricardo Regufe.

Labadan nin ayaa noqday qaar aan la kala saari karin tan iyo markii ay kulmeen 2003-dii, iyadoo Regufe ay si joogto ah ula socdey tillaabo kasta oo xirfadeed oo Ronaldo qaaday, laga soo bilaabo waagii uu da’da yaraa ee Sporting Lisbon ilaa uu noqday halyeey caalami ah oo heshiis rikoor jebis ah u saxiixay Sucuudi Carabiya.

Regufe waxa uu mas’uul ka ahaa abaabulka heshiiska £175milyan ginni ee uu Ronaldo sannadkii qaadan doono, iyadoo 43-jirkani uu muhim u ahaa nolosha xiddigga ka saaxiib ahaan iyo ka maamule ahaanba.

Ninkan oo loo yaqaan Ricky, waxa si joogto ah loogu sawirayey Ronaldo intii uu ku jirey xirfadiisa ciyaareed.

Waxaa ninkan shaqaalaysiiyay shirkadda NIKE si uu u ilaaliyo danahooda ganacsi ee Portugal, iyadoo ninkan oo da’ yaraa uu la kulmay Ronaldo oo 16-jir ah oo markaas joogey Sporting Lisbon.

Regufe, ayaa door wayn ka qaatay xirfadda Ronaldo markii ay kala tageen wakiillkiisii waynaa ee Jorge Mendes

Isagoo si weyn u maareeyay dhanka ganacsiga ee xirfada Ronaldo, Regufe saameyntiisa ayaa lagu soo waramayaa inay sii kordheysay sanadihii ugu dambeeyay, tan iyo markii uu ka tagay Nike si uu u noqdo maareeyahiisa howlihiisa gaarka ah 2018 oo uu ka tegey NIKE.

Regufe ayaa haatan hoggaaminayey wada xaajoodka uu CR7 ugu dhaqaaqay dhanka Al-Nassr, isagoo xalay oo ugu dambaysey VIP-da la fadhiyey Ronaldo oo daawanayey ciyaartii 1-aad tan iyo markii uu Sucuudiga ka degey.

Hadalsame Media