”Malaha wuu cabsanaa” – Khubarada & Taageerayaasha Man United oo furka ku xooray David de Gea (Daawo)

0

(Laascaanood) 07 Jan 2023 – Goolwalaha Man United ee David de Gea ayaa xalay galay khalad uu heerkiisu aad u hooseeyo marka loo eego maqaamkiisa iyo bandhigga looga fadhiyo qof isaga oo kale ah.

Haatan, Roy Keane ayaa hogaanka u qabtay dhaleecaynta khaladkii cajiibka ahaa ee uu sameeyey goolhaye David de Gea kaasoo Everton u saamaxay in ay ka barbarreeyaan Manchester United kulan ka tirsanaa wareegga 3-aad ee FA Cup-ka.

Goolhayahan Isbaanishka ah ayay kubaddu ka gashay lugaha dhexdooda balse aad ayuu u labalabeeyey islamarkaana waxay kubaddii oo ka baxday ay u sallaxantay Conor Coady oo shabaqiisa oo maran ka taabtay si uu ciyaarta uga dhigo barbarro 1-1 ah.

Intii lagu jirey falanqayntii hilinka ITV, ayuu Roy Keane, oo horay ugu dheeli jirey Man United, uu sheegay inay u egtahay in goolhayaha Isbaanishku ‘uu dhowr beeg qac ka siiyey’ marka la eego khaladkiisa aan caadiga ahayn.

“Waxay u eg tahay inuu cabsanaa. Waxay kale oo u qaab ekayd in goolhayayaashii casaan loo taagey oo ciyaartooyda caadiga ihi ay goolka galeen, ma garanayn wax uu sameeyo! Waa khalad aad u xun.” ayuu yiri Keane.

Hadalsame Media