”JACAYL JIHAAD?” – Atirisho Hindi ah oo caan ah oo ay geerideedu qoorta isu gelisey Muslimiinta & Hinduuga

0

(Delhi) 07 Jan 2023 – Dhimashada gabadhan atariishada musalsallada jileysay ayaa si weyn looga hadal hayaa gudaha dalka Hindiya, sababtuna waxa ay tahay xaaladda geerideeda iyo xadhigga saaxiibkeedii hore iyadoo ay jiraan eedeymo la xiriira jahwareerin diimeed.

Tunisha Sharma ayaa meydkeeda la helay 24-kii Diseembar iyadoo ku jirtay musqul ku taal Dastaan-e-Kabul  oo ah halka ay bandhigeeda Alibaba ku samaynaysay.

Maalin ka dib, Atariishada ay wada shaqaynayeen iyo saaxiibkeedii hore ee Sheezan Khan ayay booliisku xireen ka dib markii Sharma hooyadeed ay ku eedeysay “ku lug lahaanshaha isdilkeeda”, taasoo uu diiday.

Chandrakant Jadhav oo ah sarkaal sare oo ka tirsan booliska ayaa saxaafadda u sheegay in Sharma ay nafteeda goysay, islamarkaana ay baarayaan waxa ku kalifay inay sidaa sameyso.

Geerida gabadhan 20-jirka ah ayaa ka yaabisay fanka Hindiya ee dhanka madadaalada waxay ahayd xiddig soo baxday oo taageero weyn ku lahayd baraha bulshada.

Saacado yar ka hor dhimashadeeda, waxay soo dhigtay Instagram-ka sawir iyada ah oo ay ku qoran tahay “dadka xamaasaddu waddo [ma] joogsadaan”.

Qoraalkan ayaa yeeshay wax ka badan 800,000 oo falcelin (likes) iyo kumannaan faallooyin ah, iyadoo taageerayaashu ay muujinayaan naxdinta ku saabsan geerideeda lama filaanka ah oo ay la yaaban yihiin sida qof u muuqda “mida aad u fraxasan uu u qaadi karo tallaabo noocan oo kale ah”.

Dhacdadan naxdinta leh ayaa saxaafaddu si waali ah u qaadaa dhigtay, iyadoo nolosha atariishada iyo xidhiidhadeedii diirad gaar ah lagu saaray.

Bogagga wararka tooska ah ayaa daqiiqad-daqiiqad u daabacayey warar cusub oo ku saabsan dhinac kasta oo ka mid ah baaritaanka booliiska.

Waxaana qof kasta oo ka soo jeeda asaagii Sharma iyo saaxiibadeeda iyo qoyskeeda ugu dhowaa laga qaaday waraysiyo, taasoo keentay sheekooyin badan oo mala-awaal iyo sheegasho aan la hubin u badan.

Sawir Tunisha ay barteeda Instagram soo dhigtay

XIGASHADA SAWIRKA,TUNISHA SHARMA / INSTAGRAM

Waa tuma Tunisha Sharma?

Sharma waxay ku dhalatay magaalada Chandigarh ee waqooyiga Hindiya, Waxaanay ku riyoon jirtay inay noqoto atariisho tan iyo yaraanteedii.

Xataa 13 jir maanay u buuxsamin markii ay bilawday jilista bandhigyada TV-yada, si tartiib tartiib ah ayay u soo gashay shaashadda weyn iyadoo doorar yar yar ku jishay aflaamta ay jileen jilayaasha caanka ah ee Bollywoodka sida Katrina Kaif iyo Vidya Balan.

Laakiin guusha ay ka gaartay shaashadaha yaryar ayaa keentay caannimadeeda. Atariishada ayaa soo jishay doorar kala duwan bandhiggeedii u dambeeyay ee ay dhiirigelisay sheekadii dhaqanka ee Ali Baba iyo afartan tuug, waxay jilaysay kaalinta ‘amiirad boqortooyo’.

Balse inkasta oo nolosheedu u muuqatay mid soo jiidasho leh, atariishada da’da yar waxay la halgamaysay sidii ay ula qabsan lahayd. Wareysiyo hore, waxay kaga hadashay la dagaallanka niyad-jabka iyo walaaca iyo la-dagaalanka walwalka ee shaqada iyo baraha bulshada.

Ka dib markii qoyskeedu ay dhimashadeeda ku eedeeyeen Khan, oo 28-jir ah kaas oo wax ka jilayey filimka, ayaa la soo xiray 25-kii Disembar wuxuuna weli ku jiraa xabsiga garsoorka.

Hadal heynta warbaahinta ayaa sidoo kale gaartay Khan noloshiisa iyo waqtigii uu xabsiga ku jiray.

Way sii socotay in kasta oo ay ka digayeen khubarada sharciga in xogaha aadka u baahay ee ku saabsan kiisaska ee aan dhammaan xaqiiqooyinkooda la ogeyn ay caqabad ku noqon karto baaritaanka iyo in ay wax u dhimi karto eedaysanaha iyo ixtiraamka qofka dhintay.

Dagaalka warbaahinta

Wararka ayaa sheegaya in Sharma iyo Khan ay wada socdeen dhowr bilood balse booliska ayaa sheegay in lamaanahan ay kala tageen 15 maalmood ka hor geerideeda.

Waxay yiraahdeen kala taggooda ayaa Sharma geliyey ” walbahaar aad u daran” waxaana looga shakiyay “in uu gaarsiiyey cadaadis ah heer ay isdisho”.

Booliska ayaa dhowr qof su’aalo ka weydiiyay kiiska, waxa ayna sidoo kale sawireen dhowr bog oo ah wadasheekaysiyo WhatsApp ku dhexmaray Sharma iyo Khan.

Waxa ay sidoo kale ku eedeeyeen Khan in uusan la shaqeyn baaritaanka eedeymahan oo qareenka jilaagu beeniyay. Dacwadda damiinashada jilaaga ayaa lagu wadaa in sabtida la dhageysto . Qareenkiisa ayaa sheegay inuusan wax dambi ah lahayn.

Qoyska Khan iyo Sharma ayaa saxaafadda la wadaagay xog ku saabsan xiriirka lammaanahan iyagoo sidoo kale eedaymo is waydaarsanaya.

laba dumar ah oo kur u haya sawir Tunisha ay xijaabantahay

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Vanita, oo ah hooyada dhashay Sharma, ayaa ku eedeysay Khan inuu khiyaameeyay gabadheeda waxayna ku eedaysa in uu dhimashadeeda ka dambeeyay.

Waxa ay sidoo kale sheegtay in ay ka shakisay in gabadheeda “la dilay” waxayna ku eedaysay Khan in aanu isla markiiba wicin ambalaas kadib markii uu helay maydka gabadheeda.

Isniintii, Khan walaashiis, qareenkiisa iyo hooyadiis ayaa ka hadlay shir jaraa’id halkaas oo ay ku diideen dhammaan eedeymaha loo soo jeediyay Khan ee ah inuu Khan adeegsaday daroogo, ama uu u gacan qaaday Sharma.

Waxay sidoo kale eedeymo dhowr ah u soo jeediyeen Vanita Sharma, iyagoo sheegay in xiriirka ay la leedahay gabadheeda uu ahaa “mid xun”, oo ah inuu “xakameynayay nolosha iyo dhaqaalaha [gabadheeda].

Qoyska Sharma ayaa beeniyay “dhammaan eedeymaha” waxayna sheegeen inay si faahfaahsan uga jawaabi doonaan goor dhow.

Gabdhaha la dhashay Khan ayaa sidoo kale ku adkeystay in niyad-jabka Sharma uu yahay mid ay “ka timid dhibaato caruurnimadeedii” oo aysan wax lug ah ku lahayn kala tagga ay Khan kala tageen oo ay sku tilmaameen inuu ahaa mid labada dhinacba si wada oggol ah ku kala tageen.

Sida laga hayo Sharma qudheeda, waxay xiriir fiican la lahayd Khan iyo qoyskiisa.

Hal bil ka hor geerideeda, waxay soo dhigtay sawirka Khan Instagram-ka halkaasoo ay ugu yeertay “Ninka ugu quruxda badan noloshayda”.

Bishii Disembar, waxay sawirro la wadaagtay mid ka mid ah walaalaha Khan, iyadoo ku tilmaantay “qofka aan ugu jeclahay”.

Tunisha iyo Khan oo garabka is haysta

XIGASHADA SAWIRKA,TUNISHA SHARMA / INSTAGRAM

Waxa musiibada dabka kusii shiday ayaa ahaa hadal haynta diiradda lagu saarayey in Sharma ay ahayd Hindu halka Khan uu ahaa Muslim.

In kasta oo Mr Jadhav, oo ah sarkaalka booliiska, uu u sheegay wakaaladda wararka ee ANI in “ma jirto xagal diimeed oo soo ifbaxday” intii uu socday baaritaanka, haddana garabka midig ee Hinduuga ayaa dhimashadeeda diinta u tiirinaya.

Xubno ka tirsan kooxaha midigta fog ee Hinduuska, oo uu ka mid yahay xisbiga Bharatiya Janata Party (BJP) ee xukuma India, ayaa ku eedeeyay in kiisku uu yeelan karo xagal “jacaylka jihaadka” oo ah erey kooxaha Hinduuga xagjirka ah ay u adeegsadaan inay kor u qaadaan eedaymo aan sal iyo raad toona lahayn oo ah in ragga Muslimiinta ahi ay guur diinta uga beddelaan haweenka Hinduuga ah.

Hoggaamiyaha BJP Girish Mahajan, oo ah wasiir ka tirsan gobolka galbeedka Maharashtra, ayaa ANI u sheegay in kiisaskan oo kale ay “kordhayaan” dowladda gobolkana ay ka fikirayso samaynta “sharci adag oo ka dhan ah”.

Qoyska Sharma ayaa sidoo kale ku eedeeyay inay bilowday xirashada xijaabka oo ay ” bedeshay qaab nololeedkeeda” ka dib markii ay bilowday shukaansiga Khan.

Faafinta sawirka Atariishada oo xiran xijaab ayaa wax yar ka dib dhimashadeeda ka bilowday baraha bulshada, taasoo ka careysiisay dadka Hinduuga ah ee mayalka adag.

Khan walaashii ayaa beenisay eedeymaha ah inay “ku qasbeen” Sharma inay xirato xijaabka, waxayna ku adkeysatay in sawirka uu ahaa mid ka mid ah barnaamijkeeda filimka.

BBC

Hadalsame Media