Arrin cadaalad darro ah oo Amiir Harry dartii ciidamada UK loogu sameeyey oo la kashifay + Sawirro

0

(London) 0 Jan 2023 – Amiir Harry ayaa la sheegayaa in qaab nin tooxsi ah loogu ogolaaday inuu ka tago saldhiggiisa helicobter-ka Apache si uu u fushado ‘howlo Qasriga Boqortooyada ka jirey oo deg dega ah’ xilli lagu jirey xannibaaddii Covid-19, iyadoo aan baaritaan la marsiin sida ciidanka kale.

Saldhigga Ciidanka Cirka ee RAF ee ku yaal Wittisham, ayaa la sheegay in dhammaan ciimadama kuwa cusub iyo kuwii horaba lagu amray in laga qaado samballo ama muunado kaadi ah.

Balse Duke of Sussex ayaa la sheegay inuu kaxaystay gaari Audi A3 ah si uu ugu laabto London, tiiyoo uu markaa uun kasoo laabtay arooska walaalkii Prince William.

38-sano jirka ah Sergeant Major ka ahaa ciidamadan, Mark ‘Oz’ Wilson, oo mas’uul ka ahaa anshaxa ciidanka, ayaa u sheegay ‘The Sun‘: ‘Inuusan ilaa haatan rumeysan karin in Harry loo ogolaaday inuu baxo.’

Ma jirto wax soo jeedinya in Harry uu si ula kac ah u diidey baarista ama uu qaatay wax daroogo ah inta uu tirsanaa Ciidamada Xoogga Dalka UK.

Harry waxaa la rumeysan yahay inuu ahaa qofka kaliya ee aan laga qaadin tijaabada saldhigga oo dhan. Wuxuu la shaqaynayay 656 Squadron, iyo 4 Regiment Army Air Corps waqtigaas.

Hadalsame Media