Weriye caan ah oo kashifay shaxda uu Deschamps u degey Karim Benzema (Magacyada laacibiinta dhabarka ka ”toogtey”)

0

(Madrid) 06 Jan 2023 – Laacibka Karim Benzema ayaa si xad dhaaf ah tababar loogu diley, waxaana markii dambe loo diray guriga sabab la’aan, iyadoo guud ahaan aan lagu ixtiraamin Koobka Adduunka ee Qadar, sida uu hadda kashifay saxafiga Faransiiska ah Daniel Riolo.

‘Waxaan kasoo qaadanay doqon waana ka takhalusnay’, ayuu yiri weriyaha RMC ka tirsan ee Riolo

Faallada Riolo ayaa sii kicin doonta aragtida ah in tababaraha France ee Didier Deschamps uusan marna doonaynin inuu dib u soo celiyo Benzema kaddib sanado badan oo ay isku xumaayeen labadoodu, isagoo huri waa xuka ugu soo daray markii uu ku guulaystey Ballon d’Or isagoo dareemayey inay waajib ku tahay taasi, kaddibna fursaddii ugu horreeysey uga faa’iidaystey inuu kaga takhaluso markii uu tababarka ku dhaawacmay kahor Koobka Adduunka.

Riolo ayaa yiri: “Waxaa lagu khasbay tababarka oo uusan rabin. Mar kale ayuuna dhaawacmay kaaoo ahaa dhaawacii hore oo daray, laakiin saasoo ay tahay kursiga kaydka ayuu kusoo noqon lahaa wareega 16-ka, wareega 8-dana si buuxda ayuu u safan kari lahaa”.

Riolo ayaa raaciyey: “Karim Benzema waxa uu u qalmay ixtiraam badan. Doqon baanu u qaadannay oo ka takhalusnay. Ciyaartooyda qaar sida [Hugo] Lloris, [Antoine] Griezmann ama [Olivier] Giroud ayaa ku faraxsanaa inuu baxo.

Riolo ayaa hadalkiisa ku daray: “Deschamps ma doonayn in Benzema uu dib ugu soo laabto xulka qaranka. Waayo ma yaqaan sida loo maareeyo shakhsiyaad qababka kala duwan leh oo ku wada hal meel.”

Hadalsame Media