Magaalada Muqdisho oo waxyar u jirsatay New York kaalinta 3-aadna ka gashay Afrika (Qiimayn cusub oo caalami ah)

0

(Muqdisho) 06 Jan 2023 – Magaalada Muqdisho ee caasimadda Somalia ayaa noqotay caasimadda 3-aad ee ugu qaalisan guud ahaan qaaradda Afrika marka la eego qiimaha maciishadda dadka ajaanibta ah ee dal kale ku nool.

Luanda, caasimadda Angola ayaa ah magaalada ugu qaalisan Afrika marka ay timaado qaab nololeedka dadka ajaanibka ah, iyadoo 99 ka heshay qiimaynta (Magaalada New York = 100).

Khartoum, caasimadda Suudaan waa magaalada labaad ee ugu qaalisan Afrika ee ay ku noolaadaan dadka Qurba-joogta ihi, iyada oo celceliska qiimaha nolosha kaga jirta 85.

Mogadishu , caasimadda Soomaaliya waa magaalada saddexaad ee ugu qaalisan Afrika oo idil taasoo ka dhigan inay adag tahay inaad ku noolaato maciishad ahaan adigoo ajnabi ah, iyadoo guud ahaan qiimaha maciishadda dunida ee marka arrintan la eego ka gashay 80 (Xusuuso magaalada New York waa 100 waase magaalo ay miisaaniyad-sanadeedkeedu tahay $98.5 Bilyan oo Doollar).

Xpatulator.com oo warbixintan soo bandhigay sanadkan biliowga ah ee 2023 ayaa waxaa loo sameeyey in lagu xisaabiyo kharashaadka dadka ajnabiga ah iyadoo la adeegsanayo xisaabin online ah iyo xog-ururin ballaaran oo ku aaddan qiimaha nolosha ilaa 780 goobood oo caalami ah. Halkan kasii aqri…

Hadalsame Media