”Inaan aragno dad lulaya Calanka Somalia oo dhibaataysan way na xanuujinaysaa mana ka xishoonayno…” – MW DF Somalia oo ka hadlay Laascaanood & Dagaalka Shabaabka (Daawo)

0

(Muqdisho) 06 Jan 2023 – Madaxwaynaha DF Somalia ee Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isaga oo ka qaybgelaya khudbaddii maanta ee Jimcaha markale soo hadalqaaday xaaladda cakiran ee Laascaanood.

MW Xasan ayaa sheegay inay aad uga damqanayaan dhibka gaaraya dadka reer Laascaanood isagoo Maamulka Somaliland ugu baaqay inay ka shaqeeyaan in dadkan aan ciidan loo dirine dad la xaajooda loo diro.

“Marka aan aragno qof Soomaaliyeed oo calankeena buluuga babinaya oo misna dhibaataysan si gaar ah baan ugu xanuunsanaynaa, Somaliland xalka ay qoriga ku raadinayso ha joojiyaan,” ayuu yiri MW Xasan oo sheegay inaysan ka xishoonayn inay taas sheegaan.

Wuxuu kale oo soo jeediyey in la yareeyo hadallada uga sii daraya xaaladda ka taagan Laascaanood oo laga daayo hadallada xanafta leh.

Wuxuu dhanka kale soo hadalqaaday dagaalka lagula jiro kooxda Al Shabaab oo laba weerar oo is xiga ku qaadday Maxaas iyo Hilowle Gaab oo ka kala tirsan Hiiraan iyo Shabeellada dhexe, isagoo sheegay inaysan taasi joojin doonin dagaalka ka dhanka Shabaabka.

”Waqtigii Shabaab marka ay wax qarxiyaan laga hakan jirey xaaladdu waa dhaaftay ee ha isku sirmina.” ayuu yiri MW Somalia isagoo u digey dadka iyaga oo Shabaab hoosta kala jira isa soo dhiibaya ee deeto telefoonnada ka daba diraya.

Hadalsame Media