3 ay ku KHALDAN yihiin & mid qura oo ay ku saxnaayeen odayaashii shalay Muqdisho ka hadlay

0

(Muqdisho) 06 Jan 2023 – Waxaa shalay Muqdisho bayaan kasoo saaray odayaal sheegay inay ku hadlayaan magaca Muqdisho, waxayna warbaahinta u sheegeen hadal dood dhalis ahaa oo ay dadka qaar u arkaan qaar laga fursan karey. Haddaba, aannu eegno mid qura oo ay ku saxnaayeen iyo 3 kale oo ay ku khaldameen.

1 – Horta sida ay diintuba qabto, mid waa ku saxan yihiin oo markii ay laba qolo is qabato tillaabada koowaad oo ah xaqa uu Muslimku isku leeyahay waa in la islaalxiyo oo ummadda heshiis iyo wanaag loo wadaco. Taas waa sameeyeen, waana midda qura ee ay ku saxan yihiin.

Yeelkeede, waxay gadaal warkii ka raaciyeen oo nasteexadoodii ku ciyaartay dood qabyaalad salka ku haysa, balse aan micne badan samaynayn oo ay ku dhex boodayaan khilaafka iyo qaaquullada ka dhacday Laascaanood. Waxayna ku khaldan yihiin 3 arrimood:

1 – Dadku waxay ku fican yihiin inay SOOMAAAALI yihiin dhaqankuna waa inuu fahmi karaa in faa’iidada ku jirta in ummadda la walaaleeyo oo dalladaa sare ee Soomaaliyeed aan laga soo dusin inay keenayso qax, qaxar iyo qalbiyo holcaya, waana cashar ilaa haatan la dhiganayo balse aan weli la fahmin. Haddii Soomaalinnimo la iskugu xirmi waayo reer ahaanna la iskugu xirmi maayo. Nidaamkii xilka ka degey ayaa sanadihii yaraa ee dambe aad ummadda iskaga horkeenay iyagu taa ama ha moogaadeen, talo xumo ha u gayso ama ha u bareereene in lasii wadaana cidna waxba u tari mayso.

2 – Xasaraddu waxay u dhaxaysaa dad leh degaankeenna aan annagu u tashanno, taasoo ah xuquuq asaasi ah iyo Maamul gooni goosad ah oo ku doodaya inuu isagu dalkii kala goyn karo balse aan isaga laga go’i karin, taasina dow ma aha qofkii taageerana waa qof dalkii kala goynaya. Ka hadli mayno haddii dadka halkaa deggan dulmi loola tago, taasi waa arrin kale markaasna adigoo aan qabyaaladba u baahan ayaad wixii xaq ah taageeri kartaa, balse in iyaga dulmi loogu maro gunto sax ma aha.

3 – Odayada hadlay 33 sano oo holac ah ayay dadkoodu ku jiraan. Waa tii la yiri ninkii aad kabo ka tolanayso kabahiisa eege, balse adeerrayaalow maxaad duul kale u sheegi kartaan adinkoo aan wax maslaxo ah dhex dhigi karin kuwa korkiinna isku laynayey rubuc qarni ka badan? Waa doolaalo dheeri in duul kale oo danahooda isku haya la dhex boodo iyadoo ay taadii dayacan tahay. Taasina waa khaladka seddaxaad ee ay odayadu ku keceen cid la qabtaana waa iska yar tahay.

W; Q: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media