”Saaxiib iska fariiso!” – Taageerayaasha oo durba ku maadsanaya Ronaldo kaddib khalad kubadeed oo uu shalay sameeyey (Daawo)

0

(Riyaad) 04 Jan 2023 – Cristiano Ronaldo ayay jamaahiirta baraha bulshadu durba majaajilo iyo maad ka dhigteen kaddib markii uu ku fashilmay isku day uu ku doonayey in uu bandhig i arkooy ah ku sameeyo xilli uu tababar la qaadanayey kooxda Al-Nassr wax yar kaddib markii uu lasoo bandhigay.

37-jirka reer Portugal ayaa si rasmi ah loo soo bandhigay isagoo ah ciyaaryahan ka tirsan Al Nassr Talaadadii kaddib markii uu yimid Saudi Arabia isagoo ogolaaday heshiis uu sanadkii ku qaadanayo £175milyan oo gini.

Ronaldo was introduced as ‘the world’s greatest footballer’ in front of 25,000 raucous supporters at Mrsool Park in Riyadh, to a backdrop of fireworks, flares and strobe lighting.

Ronaldo ayaa lagusoo bandhigay 25,000 oo taageereyaal ah hortooda kuwaasoo joogey fagaaraha Mrsool Park ee magaalada Riyaad, waxaana lagu soo bandhigay iyadoo loo ridayo rash iyo bulallayr.

Yeelkeede, Ronaldo ayaa tababar bandhigga ka mid ah samaynayey markaas oo uu ku orday diilinta ganaaxa si uu xakameeyo kubbad gudub ah oo taraarax ahayd, wuxuuna ku dayey cirib uu ku fashilmay.

Taageerayaasha ayaa markiiba weerar ku qaaday iyagoo ku doodaya in ninkani uusan istaahilin in Abuubakar kayd loo geliyo halka qaar kale ay ku kaftamayeen inuu ciyaaraha iskaga fariisto.

Ronaldo ayaa haatan u wareegey kooxda Bariga Dhexe weliba heshiis qaali ah oo uu ku qaadanayo £175 milyan ginni sanadkii – laakiin waxa uu sameeyay khalad cajiib ah oo uu ku qeexayo u dhaqaaqida Koonfur Afrika shirkiisa jaraa’id ee ugu horreeyey ee Al-Nassr.

Muuqaal laga soo duubay oo baraha bulshada lagu faafiyey ayaa muujinaya Ronaldo oo leh: “Kubadda cagtu waa ay kala duwan tahay, marka aniga ahaan iima ahan dhamaadka xirfadayda inaan imaado Koonfur Afrika. Tani waa sababta aan u rabo inaan aag beddesho, run ahaantiina anigu kama welwelo waxay dadku leeyihiin.’

Hadalsame Media