Ronaldo oo durba kooxdiisa dhaafiyey kooxo waawayn ah oo reer Yurub ah

0

(Riyaad) 04 Jan 2023 – Jookarka Cristiano Ronaldo ayaa weli sugaya inuu safto kulankiisii ugu horreeyey ee uu u dheelo kooxda Saudi Arabian ee Al-Nassri.

Ronie ayaa lagu wadey inuu kasoo muuqdo naadigiisa cusub ee Al Nassr, kaasoo la sheegay inay siinayso £175 milyan oo ginni sannadkii iyadoo ay habeen dambe 28,000 oo taageere ay daawanayaan kulanka ay la leeyihiin Al Ta’ee.

Yeelkeede, waloow la sheegay in CR7 aanu kulankaa safan doonin ganaax dulsaaran dartii, misna Ronaldo durba wax buu kusoo kordhiyey kooxdiisa cusub.

Ronaldo ayaa kooxdiisa Al-Nassri oo haysatey wax ka yar nus milyan markii uu ku biirayey waxay haatan kusii dhowdahay 10milyan oo raace.

Taasi waxay durba dhaafisay kooxo waawayn oo caan ah sida Inter Milan, Napoli, AJAX, Riverplate, Roma IWM.

Hadalsame Media