”Aarsi ayaa ka diyaar ah” – Mbappe oo ”masayr” ka muujiyey qaabka loosoo dhoweeyey Leo Messi (Daawo)

0

(Paris) 04 Jan 2023 – Jamaahiirta kubbada cagta ayaa qosol la dhacay kaddib markii ay arkeen Kylian Mbappe walaalkii uu Lionel Messi ‘il xun ku eegay’ intii lagu jirey rigaha sharafta, markii uu kusoo laabtay tababarka PSG.

Xiddigga Argentina ayaa ugu dambayntii kasoo degey France kaddib labo isbuuc oo uu fasax ku maqnaa guushii final-ka Koobka Adduunka ee ay rigooraha ku qaadeen kaddib.

Markii uu soo gaarey xerada tababarka subaxnimadii Arbacadii maanta ayaa waxaa loo sameeyo rigo-sharafeed kahor intii uusan guddoomin koob yar oo uu siiyey Agaasimaha Ciyaaraha ee Luis Campos, iyadoo si wayn loogu sacab tumayey garoonka tababarka.

Yeelkeede, uma ekayn inuu qof kasta u faraxsanaa Messi waxaana la arkayey shoodhaha Mbappe oo si xun isha ugu gubaya markii uu soo dhaafayey.

Taageerayaasha ayaase qosol kaga jawaabey kaddib markii ay arkeen wejiga wiilkan da’da yar markii uu eegayey Messi mid ayaana soo qoray “kani aarsi ayuu diyaar u yahay.”

Hadalsame Media