”Xitaa waxaa dhici karta inay ciidamadeennu isla howlgalaan” – Turkiga oo mar qura bedeley mowqifkii nidaamka Bashaar Al-Asad (Shir qarsoodi ah)

0

(Ankara) 03 Jan 2023 – Turkiga ayaa qaadi doona tillaabo uu ciidamadiisa ugala baxayo woqooyiga Suuriya, sida uu qoray wargayska Al-Watan ee kusoo baxa af-Carbeedka, isaga oo tixraacaya kulankii saddex geesoodka ahaa ee dhacay dhammaadkii sannadkii hore.

Kulanka oo ka dhacay magaalada Moscow ayaa waxaa goob joog ka ahaa wasiirrada gaashaandhigga ee saddexda dal – Mudane Hulusi Akar [Turkiga], Mudane Ali Mahmoud Abbas [Syria], iyo Mr. Sergey Shoigu [Ruushka], waloow uu kulankani yahay tillaabadii koowaad misna lama oga doorka Moscow inay dhexdhexaadiye uun tahay iyo inay ka faa’iidaysanayso saamaynta cusub ee ay ku leedahay Dimishiq.

Ilaha wargayskan Carbeed ayaa sheegaya in Ankara ay ogolaatay inay si buuxda uga baxo woqooyiga Suuriya. Dhab ahaantii waa tanaasulkii ugu horreeyey ee ay xukuumadda Ankara u sameeyso nidaamka Bashaar Al-Asad tan iyo bilowgii dagaalka sokeeye ee Suuriya, kaas oo bilaabmay ku dhowaad ​​12 sano kahor.

Sida laga soo xigtay bogga internet-ka ee Bulgarian Objective, Ankara iyo Dimishiq waxaa isku dan ka dhigtay malleeshiyada YPG ee Suuriya. Turkiga ayaa sanado badan ka wadey Suuriya iyo Ciraaq howlgallo millateri oo ka dhan ah ururka Xisbiga Shaqaalaha Kurdistan [PKK], waana midda haatan keentay isbeddelka moowqifka Ankara oo sida Dimishiq Maraykanka ku eedaysa inay taageeraan kooxaha YPG iyo PKK.

Tillaabooyinka tartiib tartiib ah ayaa xigaya, sida uu Wasiirka Difaaca Turkiga ee Hulusi Akar uu ku dhawaaqay, isagoo ku nuuxnuuxsaday in shacabku aysan filanaynin in wax kasta oo lagu heshiiyey Moscow hal mar si deg deg ah loo sameeyo.

Yeelkeede, Wasiirka Turkiga Mr. Akar ayaa iftiimiyey in xiriirka Dimishiq iyo Ankara uu hadda ka wanaagsan yahay sanad ama laba sano kahor. Wuxuuna xitaa carrabka ku adkeeyey in wada hadallada nabadeed ee u dhaxeeya labada dal ay sii socdaan.

Mr. Akar ayaan xitaa meesha ka saarin suurtagalnimada in labada dal ay si wadajir ah uga qaybqaataan howlgallada ka dhanka ah kooxaha argagixisada Kurdiga iyo kuwa kale. Taasi waxay dhici doontaa “haddii aan xallin karno arrimaha difaaca iyo amniga oo aan wax ka qaban karno baahiyaheenna.” ayuu raaciyey.

Hadalsame Media