SAWIRRO: Ronaldo oo galabta lasoo bandhigayo (Goorta, goobta & Halka aad ka daawan karto)

0

(Riyaad) 03 Jan 2023 – Jookar Cristiano Ronaldo ayaa soo gaarey magaalada Riyaad habeenimadii Isniintii kadhor inta uusan Talaadadan maanta gelinka dambe aanu tijaabada caafimaadka u marin kooxda Al Nassr.

Kooxdiisa cusub ayaa qorshaynaysa inay si rasmi ah u soo bandhigto weeraryahankii hore ee Manchester United 7pm fiidnimo waqtiga maxalliga ah (4pm GMT) ee caasimada Sacuudiga.

Shirkadda SSC [Shirkada Isboortiga Sacuudiga] ayaa si toos ah u tabin doonta bandhigidda Ronaldo oo iman doona garoonka Mrsool Park oo qaada 25,000 oo qof si ay taageerayaashu u daawadaan sida ay Twitter-ka ku baahiyeen, waxaana sidoo kale lagu wadaa inuu halkaa joogo macallinka Rudi Garcia.

Xaaska Ronaldo ee Georgina Rodriguez ayaa sidoo kale barteeda Instagram-ka soo dhigtay sawirro u muuqda diyaaraddii u qaadday Sacuudiga. Gabadhan 28-jirka ah ee moodalka ah ayaa raacisay qoraalkeeda kabshan u dhignaa : ‘Maya aniga la’aanteey!’

Hadalsame Media