DF Somalia oo guddi u saartay xaaladda Laascaanood & Ururka xuquuqul insaanka Somaliland oo cambaareeyey

0

(Muqdisho) 03 Jan 2023 – DF Somalia ayaa markii ugu horreeysey qaadday tillaabo ay ugu kuurgeleyso shaqaaqada dhiiglayda ah ee ka taagan magaalada Laascaanood ee caasimadda Gobolka Sool.

Haatan, Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa magacaabay guddi gaar ah oo warbixin kasoo diyaarinaya shaqaaqooyinka iminka ka aloosan magaalada Laascaanood.

Waxaa dadka la magacaabay ka mid ah xildhibaanno ka tirsan Baarlamanka DF Somalia oo ay qaarkood horay u noqdeen wasiirro ka tirsan DF, sida aad ka arki kartaan magacyada hoos ku taxan.

Dhanka kale, Xaruunta madaxa bannaan ee Xuquuqal Insaanka Somaliland ayaa cambaaraysay qaabka ciidamada Somaliland ula dhaqmayaan dadka mudddaharaadka ka wada magaalada Laasacaanood ee gobolka isla markaana ka carysan sida ay sheegeen dilalaka joogtada ah ee loo gaysto dadka wax galka bulshada ah.

Yaasmiin Cumar Xaaji Maxamuud oo ah guddoomiyaha Xaruuntan ayaa BBC-da u sheegtay in ay diiwaan galiyeen dhimasho dhaawac iyo xarig loo gaystay mudaharaadayaasha Laasacaanood maalmihii ay rabshaduhu socdeen.

”Waa nasiib xumo aad baanna uga xun nahay inay ciidamada Somaliland ay xoog iyo xabbad u adeegsadaan dad si silmi ah u dibedbaxayey.” ayay tiri Yaasmiin oo sheegtay inay xaaladda si dhow ula socdaan.

Hadalsame Media