DAAWO: Qabriyada 7 qof oo uu ku jiro Nabaddoon Cilmi Hagar Guure (AUN) oo lasoo qoday & Sababta

0

(Maxaas) 03 Jan 2023 – Maydadka todoba qof oo Nabadoon Cilmi Hagar Guure uu ku jiro ayaa dib looga soo fagay goob ay ku aaseen Al-Shabaab, waxaana mar kale meydadkaas lagu aasay degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Sida ay ogaatay Caasimada Online waxaa meydadkaan laga soo fagay god-weyn oo Al-Shabaab ay ku rideen laba maalmood kadib markii ay ku dileen dagaal culus oo ka dhacay degaanka Ceelqooxle ee gobolka HIiraan bishii 9-aad ee sanadkii dhamaaday.

Goobta laga soo fagay meydadkaan waa deegaanka Al-Kowthar oo hoos taga degmada Aadan-yabaal ee gobolka Shabeellada Dhexe, halkaas oo Al-Shabaab ay geeyeen meydadka 7-da qof ee Nabadoon Cilmi Hagar uu ku jiro, iyagoo gaari ku jiidaya.

Seddax bilood ka hor 29-kii Sebtember 2022 ayaa dagaalka lagu dilay raggaan wuxuu ka dhacay degaan lagu magacaabo Ceelqooxle oo ka tirsan gobolka Hiiraan, halkaas oo kooxda Al-Shabaab ay weerar culus ku qaaday, xilli ay ku sugnaayeen ciidan badan oo ka soo jeeda beesha Xawaadle.

Al-Shabaab ayaa meydadka 7-daas nin ayaa u soo bandhigay shacabka ku nool deegaanka Al-Kowthar oo xiligaas ay Al-Shabaab u talinayeen, waxayna maalin kadib ku rideen hal god, iyagoo aan siin xurmadii diinta suuban ee Islaamku ay u jideysay meydka muslimiinta.

Meydadkaan oo laga soo fagay godkaas ayaa shalay dib loogu aasay degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, halkaas oo salaadii Janaasada lagula tukaday.

Culumadii, odayaashii dhaqanka iyo masuuliyiintii ka qeyb gashay aaska ka dhacay Maxaas ayaa sababta meydadkaan dib loogu soo saaray waxay ku macneeyeen in Al-Shabaab aysan u aasin si islaamnimo ku jirto, isla markaana ay ku xadgudbeen xurmadii uu lahaa meydka dadkaan ay dileen.

Hoos ka daawo aaska….

Isha: Caasimadda

Hadalsame Media