Bartilmaameedka Arsenal oo dad ku qarsaday kooxda uu “jecel yahay” inuu ku biiro

0

(Hadalsame) 03 Jan 2023 – Bartilmaameedka Arsenal ee Mykhailo Mudryk ayaa dad ku qarsaday isaga oo fasax ku jooga Dubai inuu filayo in uu ku dambayn doono Emirates xilli ay Gunners ay sare u qaadayso qiimah ay xiddiggan kaga doonayso Shakhtar Donetsk.

Gunners ayaa aad ugu baahan inay lasoo wareegto 21 jirkaan, inkastoo Shakhtar ay dalbaneyso  £85milyan oo ginni.

Mudryk ayaa lagu arkay magaalada Dubai bartamihii bishii Dideembar isla waqtigaas oo ay ku sugnayd kooxda Mikel Arteta, kuwaas oo u tartamayey koobka Dubai Super Cup si ay isugu diyaariyaan soo laabashada Premier League.

Ciyaaryahankan garabka ka ciyaara ayaa sidoo kale muujinayey rabitaankiisa ku aaddan inuu u dhaqaaqo woqooyiga London, taasoo ay ku jirto markii uu soo dhigay sawir maalintii Boxing Day isaga oo daawanayey Arsenal guushii ay 3-1 ku garaacday West Ham.

Waxa sidoo kale hadda soo baxday in Arsenal lagu soo warramayo inay heshiis shakhsi ah la gaartey Mudryk kaasoo uu ku saxiixayo 5 sano ah, sida laga soo xigtey The Times.

Sportsmail ayaa sidoo kale soo werisey isniintii in Gunners ay sare u qaadday dalabka ay ku doonayso Mudryk, kaasoo la fahamsan yahay inuu ku dhow yahay 44 milyan ginni oo marka bareeniyo lagu daro gaaraya ilaa £62milyan oo ginni.

Hadalsame Media